Jilaa da’yar oo Hargeysa loogu xidhay riwaayad uu ku dhaliilay xukuumadda

Hargeysa -(Berberanews)-Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay Idiris Ilig oo ku magac dheer Sayidka Barakaysan oo ah jilaa dhallinyaro ah, kadib markii uu dhowaan riwaayad ku dhaliilay waxqabadka xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.


Riwaayadda la filayo in ay galaafatay xorriyadda Sayidka Barakaysan oo haatan ku xidhan xarunta ciidanka CIA-da ee caasimadda Hargeysa, waxa uu wax kaga tilmaamay maciishadda kor u kacday iyo sicir-bararka Somaliland ka jira, taas oo uu u dhigay in wasiirrada iyo madaxweyne Biixi aannu midna diyaar u ahayn inuu wax ka qabto.

Garyaqaan Guuleed Dafac, ayaa ka mid ah dadka cambaareeyey xadhigga jilaaga, “Eeddiisu ma waxa ay noqon doontaa “ka qosliye shacab.” Xaq ayuu u leeyahay inuu ku dhiibto aragtidiisa sugaan ahaan sida ku cad qodobka 32(1) ee Dastuurka Somaliland,” ayuu yidhi garyaqaan Guuleed.

Berberanews.com
Info@berberanews.com