Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland oo safar ugu kicitimay Sool

Hargeysa-(Berberanews)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed Aaaa galabta Safar ugu baxay gobalka Sool .

Ujeedada safarka Gudoomiyaha ayaa la sheegay inuu ka qeyb geli doona shir nabadeed  Beri ka furmi doona deegaanka Yagoori.

Shirkan nabadeed ayaa u furmi doona Beelaha  Siyaad Maxamuud, kaasi oo lagu soo afjari doono shaqaaqooyin  iyo dilal dhawaan ka dhacay deeganka dhabar Dalool ee Gobalka Sool.

Safarka Guddoomiyaha ayaa ku soo beegmay furitaanka kal-fadhiga labaad ee Golaha Wakiilada Somaliland oo saaka si rasmiya uga furmay xaruntooda Hargeysa.

Berberanews.com
Info@berberanews.com