Gambia oo looga dareeray codbixinta doorashada Madaxweynaha

Gambia-(Berberanews)-Dadka Gambia ayaa codkooda dhiibanaya si ay u doortaan madaxweynahooda,  codbixin si weyn loo sugayay oo loo arkayay mid tijaabo u ah isbadalka dimuqraadiga ah ee dalkaasi.

Madaxweyne Adama Barrow ayaa wajahaya shan musharax oo kale, isagoo doonaya inuu mar kale isu soo taago doorashada la filayo inay noqoto mid aad isugu dhow.

Halyeyga siyaasadeed Ousainou Darboe ayaa loo arkaa inuu yahay musharaxa ugu weyn ee mucaaradka.

Codbixinta Sabtida ayaa ah tii ugu horreysay tan iyo markii Yahya Jammeh lagu qasbay inuu musaafuris ku baxo January 2017 ka dib markii Barrow, oo aan la aqoon waqtigaas, uu kaga adkaaday sanaadiiqda codbixinta.

Tegitaankiisa Equatorial Guinea waxa uu soo afjaray xukun 22 sano ah oo ay ku asteeyeen dambiyo badan, xad-gudubyo iyo dhac dhaqaale.

Markii ay codbixintu bilaabantay 08:00 subaxnimo, dadku waxay horeba safaf dhaadheer ugu galeen bannaanka goobaha codbixinta. Goobaha codbixinta ayaa lagu wadaa inay xidhmaan 5:00 fiidnimo, waxaana natiijada ugu horreysa ee doorashada hal wareeg ah la filayaa in lagu dhawaaqo horaanta Axadda.

Berberanews.com
Info@berberanews.com