Wasiirka Arr. Dibada Somaliland oo La kulmay Xildhibaanno ka tirsan #Canada

Ottawa -(Berberanews)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Ciisa Kayd Maxamuud iyo wefdi uu hogaaminayo oo booqasho shaqo ku jooga dalka Canada ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan Baarlamaanka dalka

Wefdiga Wasiirka Arrimaha Dibeda oo gaadhay dalka Canada Khamiistii ayaa kulanka ay ku wehelinaysay Safiirka Somaliland ee Canada Marwo Luul Axmed Cismaan, waxaa la sheegay inay xildhibaanada Baarlamaanka ka ay ka wada hadleen dannaha labada wadan.

Fariin lagu baahiyey barta rasmiga ee Twitter-ka Wasaaradda Arrimaha Dibeda ayaa u dhignayd sidan;
“Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Ciisa Kayd, ayaa kulan la qaatay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dalka Kanada, waxaanay si weyn uga wadahadleen arrimo dhawr ah oo khuseeya danaha guud ee labada waddan.”

Booqashada wefdiga Wasiir Dr Ciise ayaa imanaya ka dib markii uu hore booqashooyin shaqo uu ku tegay dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska kula soo kulmay xildhibaano iyo siyaasiyiin dalalka ay ka wada hadleen iskaashiga Somaliland”

Berberanews.com
Info@berberanews.com