Madaxweyne Biixi oo hambayo u diray Kooxda Horyaalka Kubadda Cagta Hargeysa

Hargeysa-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Canbdi, ayaa hambalyo u diray Kooxda Kubadda Cagga ee Degmada Maxamed Mooge oo ku guulaysatay horyaalka Caasimadda.

Madaxweyne Biixi, ayaa dhambaal hambalyo ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, sidoo kale u hambalyeeyay kooxda Axmed Dhagax oo gashay kaalinta labaad.

“Waxa aan hambalyeynayaa Kooxda Kubadda Cagta Degmada Maxamed Mooge oo ku guulaysatay Horyaalka Degmooyinka Caasimadda Hargeysa. Sidoo kale waxaan bogaadinayaa Kooxda Degmada Axmed Dhagax oo kaalinta labaad ka gashay horyaalka iyo dhamaan kooxihii degmooyinka kala duwan ee caasimadda ee tartankan ka qayb galay.

Ciyaaruhu waxa ay muhiimad weyn u leeyihiin is-dhexgalka dhalinyarada iyo la dagaalanka mukhaadaraadka, waxaana farxad ii ah in aynu horumar la taaban karo ka samaynay qaybaha kala duwan ee ciyaaraha iyo isdhexgalka dhalinyarada.”