Dowladda Ehtiopia oo cambaaraysay warbaahinta CNN

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Debedda Ethiopia, ayaa lagu eedeeyay warbaahinta Maraykanka laga leeyahay ee CNN oo lagu eedeeyay inay warar been abuur ah ka baahinayso dalkaas.

“#Itoobiya ayaa heshay xogtata in @CNN ay doonayso inay dadka si khaldan ugu sheegto warbixin la mala awaalay oo sheegaysa in xasuuqa uu ka socdo Tigray.
Haddii weligeed si badheedh ah loo isticmaalo ereyga xasuuq, waxay noqon lahayd “Xasuuqa Tigreega,”  ayaa lagu yidhi warbixinta dowladda.

Dowladda Ethiopia ayaa dhawaan mabnuucday warbaahinta aan ahayn ta dowladdu inay tebiyaan dagaallada ka socda dalka.

Halkan ka akhriso war-saxaafadeedka dowladda kasoo baxay.