Safiya Tusmo oo lagu wareejiyay meherkeedii oo dhan 120 geela

Fanaanadda Safiya Yoonis (Tusmo) oo dhowaan qabsatay baraha bulshada, kadib markii meherkeeda uu hadal heyn dhaliyay, ayaa lagu wareejiyay geel fara badan oo bishii nasoo dhaaftay lagu meheriyay.

Munaasabad lagu qabtay Dooxada Harowa ee magaalada Araabi ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, oo ay goobjoog ka ahaayeen odayaasha labada dhinac ayaa fannaanadda Safiya Tusmo waxaa lagu wareejiyay 120 neef oo geel ah oo meherkeeda ah.

Safiya Tusmo iyo seygeeda Cabdillaahi Yuusuf Aare ayaa horraantii bishii November ku aqalgalay magaalada Boorama, waxaana aad loo hadal hayay meherka 120-ka neef ee geela ah ee lagu mehriyay Tusmo.”

Maxaa ka dhigay qiimaha meherka Soomaalida kan ugu sareeya qoowmiyadaha Bariga Afrika?

Mar ay BBC-da la hadleysay ayay Safiya sheegtay inaysan iyadu dalban meherkaas. “Anigu horta waxaan ahaa qof iska reer-miyi ah oo xoolaha jecel, laakiin ma dalban meherka qaaliga ah, ee wax uu segeygu ii gartay,” ayay tiri Safiya.

Safiya oo ka timid dalka Mareykanka, ayaa sheegtay inaysan geela iibsan doonin oo aysan lacag u beddeli doonin, ee halkiisa lagu dhaqaaleyn doono.

Safiya ayaa 20 ka mid ah geelaasi waxay ugu deeqday masjid laga dhisaya magaalada, taas oo ay dadka deegaanku aad u soo dhoweyeeen.

Sidee ayaa looga falceliyay meherka Tusmo?

Mid ka mid ah odayaashii goobjoogga ka ahaa meherka Safiya Tusmo ayaa sheegay inaanu weligii goobjoog ka noqon meherka sidaas qaali u ah.

Sidoo kale dadka qaar ayaa sheegay inaanay dhab ahayn meherka Tusmo, oo uu yahay wax afka uun laga sheegay, halka dad kalena ay sheegeen inuu yahay kii ugu qaalisanaa abid ee ka dhaca geyiga Soomaalida.

Ragga qaar ayaa Safiya Tusmo ku eedeeyay inay meherka ku qaaliyeysay, iyadoo sheegtay in gabdhaha ay weligoodba qaali ahaayeen, oo aanay iyadu ku qaaliyeyn.

“Awalba meherkooda wuxu yahay ayaa lagu meherin jiray, boqol geel ah iyo baarqab ayaa laga bixin jiray, tayadii haweenka ee hoos u dhacday haddii aan kor u soo qaaday dhib uma arko,” ayay tidhi Safiya.

Safiya Tusmo ayaa sheegtay in weligeed aan geel laga bixin, inkastoo ay guurar hore soo martay, kanna uu yahay kii ugu horreeyay ee laga bixiyo 120-ka neef ee geel ah.

Safiya tusmo oo ka heestay arooskeeda

@Bbc Somali