Madaxweynaha Turkiga oo masuul cusub u magacaabay Wasaaradda Maaliyadda

Turkey-(Berberanews)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii u magacaabay wasiir cusub u magacaabay Wasaaradda Maaliyaddiisa.

Magacaabista ayaa ka danbaysay ka dib markii uu xilka iska casilay wasiirkii hore oo ku haftay dhaqaale xumo iyo hoos dhaca lacagta liirada dalkaas oo dhibaato badan ku haysay sanadihii u danbeeyay.

Nureddin Nebati, oo ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee maaliyadda, ayaa bedelay Lütfi Elvan oo ahaa hogaanka sare ee wasaaradda maaliyadda.

Dala Turkiga oo awood ahaan iyo dhaqaale ahaanba ku jiray koritaan xawliya, ayaa waxaa dagaal dhaqaale ba’an ku haya dalalka reer galbeedka oo ka soo horjeeda siyaasadda Madaxweyne Erdogan.