London: kulan dhexmaray Xildhibaanno Somaliland iyo Ingiriisa

London-(Berberanews)-Caasimadda London waxaa kulan ku dhexmaray xildhibaanno ka kala socda Baarlamaannada #Somaliland iyo Ingiriiska

SOMALILAND & #UK PARLIAMENT:

Waxaannu magaalada London kulan kula qaadannay xubno ka tirsan Baarlamaanka dalka UK oo ah xildhibaannada taageera qaddiyadda Somaliland “All Party Parliamentary Group” gelinkii dambe ee shalay.


Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd xoojinta xidhiidhka labada dal, iskaashiga dhinacyada horumarinta iyo maalgashiga iyo weliba sidii ay xidhiidh dhow oo aqoon iyo khibrad is-dhaafsi ay u yeelan lahaayeen labada baarlaman.
Kulanku waxa uu ku soo geba-geboobay wada-shaqayn iyo is-faham wanaagsan.

Xildhibaan Qaasim Saleebaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

Info@berberanews.com