Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo Socdaal ku Tegay Dalka Hindiya

Delhi -(Berberanews)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa markii ugu horreysay socdaal ku tegay dalka Hindiya toddobaadkan.
Md. Saylici oo ku sugan magaalada Delhi, waxa uu kulamo kala duwan la yeeshay masuuliyiin sare oo ka tirsan dawladda Hindiya, kuwaas oo ay ka wadahadleen arrimo la xidhiidha iskaashiga horumar iyo ganacsi ee labada dal.
Warku waxa uu intaas ku daray, in Madaxweyne-ku-xigeenku uu masuuliyiintii dalka Hindiya warbixin ka siiyay fursadaha maalgashi ee ka jira Jamhuuriyadda Somaliland, arrinkaas oo madaxda xukuumadda Delhi aad u soo dhoweeyeen.
Waa markii ugu horreysay ee wefti ka socda Madaxtooyada Somaliland uu booqasho ku tego waddanka labaad ee ugu dadka badan adduunka.