Madaxweyne Biixi oo xilkii ka qaaday Guddoomiyihii  Gobolka Sanaag

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Sanaag Maxamed Cilmi Xuseen.

Wareegto kasoo baxday Madaxtooyada, ayuu Madaxweynuhu u magacaabay in Axmed Cabdi Xuseen loo magacaabay Badhasaabka cusub ee Sanaag.

Wareegtadaasi waxay u dhignayd sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-786/122021 iyo JSL/XM/WM/222-787/122021 uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey gudoomiye gobol.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne.

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Maxamed Cilmi Xuseen,

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland

Mudane, Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

*******************************************************

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay:Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay:In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Axmed Cabdi Muuse Warsame, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.” Ayaa lagu yidhi.