Itoobiya oo sheegtay inay TPLF dib uga qabsadeen magaalooyin badan

Addis Ababa -(Berberanews)- Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay guullo muhiim ah ka soo hoysay dagaalka ay kula jirto xooggaga TPLF ee ka dagaallama woqooyiga dalkaas.
Sidoo kale, xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay in ciidammadeedu dib u qabsadeen magaalooyin dhowr ah oo ku yaal Gobolka Amxaarada, halkaas oo ay haysteen fallaagada TPLF.
Toddobaadkii hore ayey aheyd markii dawladdu shaacisay inay dib ula wareegtay degaanno dhaca Gobolka Canfarta.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhowaan warbaahinta ka soo muuqday isaga oo ku lebbisan tuutaha millateriga xilli uu ciidamadiisa kula sugnaa jiidda hore ee dagaalka.

Waxaana adag in la xaqiijiyo wararka furimaha hore ee dagaalka.
Hadalkan ayaa imanaya xilli Wasiirka Arrimaha Dibadda ee waddanka Shiinaha uu booqasho ku tegay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, halkaas oo uu kulamo kula yeelanayo madaxda dawladda Itoobiya.

Dagaalka u dhexeeya ciidammada federaalka ee Itoobiya iyo fallaagada TPLF, ayaa socday tan iyo bishii Nofembar ee sannadkii tagay, iyadoo marba dhinac uu guul sheegto.

Berberanews.com
Info@berberanews.com