Sweden: Gabadhii u horraysay oo Raysal-wasaare ka noqota

Sweden-(Berberanews)-Magdalena Andersson oo noqotay haweeneydii ugu horeysay ee ra’iisul wasaare ka noqota Sweden ayaa dib loogu magacaabay inay noqoto madaxa dowladda, wax ka yar toddobaad kadib markii ay iska casishay saacado gudahood markii ay shaqada qabatay.

Siyaasiyiinta ayaa si dirqi ah mar kale u doortay Isniintii. Waxay soo dhisi doontaa hal xisbi iyo xukuumad tiro yar, waxaana la filayaa in golaheeda wasiirada la magacaabo salaasada.

Andersson waxa ay ra’iisal wasaare soo noqotay todoba saacadood ka hor inta aanay xilka ka dagin todobaadkii hore ka dib markii xisbiga Greens uu ka baxay isbahaysigeeda labada xisbi ku dhisnaa.

Talaabadooda ayaa ka dambeysay markii baarlamaanka uu diiday soo jeedinta miisaaniyada dowladeeda oo lagu taageeray mid ay soo bandhigeen xisbiyada mucaaradka oo uu ku jiro xisbiga garabka midig ee xisbiga Sverigedemokraterna.

“Sida dawladaha laga tirada badan yahay oo dhan, waxaan raadin doonaa iskaashiga xisbiyada kale ee baarlamaanka, waxaanan arkaa fursado wanaagsan oo aan ku sameyn karno,” Andersson, oo xisbigiisu uu haysto 100 kursi ee ka mid ah 344-ka baarlamaan, ayaa ku sheegay shir jaraa’id Isniintii.

Magacaabida Andersson ee ra’iisul wasaaraha ayaa calaamad u ah Sweden, oo loo arko in ay tobanaan sano ka mid tahay wadamada Yurub ugu horumarsan marka laga hadlayo xidhiidhka jinsiga, laakiin aan weli haweeney helin jagada ugu sareysa siyaasadda.

Info@berberanews.com