Midowga Yurub oo qalab isgaadhiineed siiyay Somaliland

Hargeysa-(Berberanews)-Midowga Yurub, ayaa maanta qalab isgaadhsiineed soo gaadhsiiyay ciidammada Booliska Somaliland.

Wasiirka Wasarada Arrimaha Gudaha JSL Mudane,  Maxamed Kaahin Axmed Oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Amniga Qaranka Somaliland Ibrahim Cali Ismaciil ayaa Safiirka Midowga Yurub Ambassador Tiina Intelmann kala wareegay qalab isgaadhsiinta  Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland

Waxana Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland iyo Agaasimaha Guud ee Amniga Qaranku uga  mahad celiyeen Safiirka iyo midowga yurub ba garab istaaga wayn ee ay garab tagan yihiin Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

Safiirka Midowga Yurub Ambassador Tiina Intelmann