“Dawladaha Carabtu waxay ka fikirayaan inay maalgashadaan Somaliland iyo dalalka kale ee Afrika” Wargeyska African Business

Qaahira -(Berberanews)-Waddamada Carabta, ayaa xilligan ka fikiraya inay soo nooleeyaan xidhiidhkii ganacsi ee ay la lahaayeen qaaradda Afrika, kaas oo hoos u dhacay muddooyinkii u dambeeyey.
Shirka Ganacsiga ee Afrika iyo Carabta oo bishii October ee sannadkan ka dhacay caasimadda dalka Masar ee Qaahira, ayaa lagaga hadlay sida ugu habboon ee kor loogu qaadi karo xidhiidhka ganacsi ee ay leeyihiin dalalka Carabta iyo Afrika.
Warbixin dheer oo wargeyska African Business ka qoray waxyaabihii shirkaas lagaga wada-hadlay, ayaa soo tebiyey in dalalka Carabtu muujiyeen muhiimadda ay leedahay in dawladaha Carabta ee dhaqaalahoodu xoogga leeyahay ay maalgeshi ku samaystaan Afrika, maaddaama laga heli karo xoog ama shaqaale ku shaqayn kara qiimo jaban iyo sidoo kale inay jiraan fursado badan oo dhaqaale buuran laga samayn karo.

Wargeysku wuxuu sheegay In xilligan ay dalalka Carabtu ay Afrika ka qaataan waxyaabaha biraha ama xadiidka laga sameeyo, cuntooyinka, halka ay Afrika u dhoofiyaan ama u iib-geeyaan waxyaabaha ay ka mid yihiin dawooyinka, noocyada kala duwan ee mishiinnada iyo bacaha.
Laakiin, illaa hadda maalgeshi muuqda oo dawlad Carbeed ka samaysay dalalka Afrika uu yahay ka Shirkadda DP WORLD ka fulisay Somaliland, Senegal iyo Masar, kaasi oo ku kacay adduun- acageed oo gaadhaya $ 1 billion oo dollar.
Laakiin, marka la eego taariikhda dheer ee ganacsiga iyo iskaashiga ee dalalka Carabta iyo Afrika uu maanta yahay mid yar, sida uu sheegay Madaxa Baanka Dhoofinta iyo soo dejinta Afrika (Afreximbank) Mr. Benedict Oramah oo hadal ka jeediyey shirka labaad ee ganacsiga Afrika iyo Carabta oo lagu qabtay Qaahira bishii hore ee October.
“Ganacsiga guud ee Carabta iyo Afrika wuxuu ku dhow yahay $80 billion, markaa  waxaannu haysannaa waddo dheer oo aannu ku helno fursadaha badan ee ka jira,” ayuu yidhi Benedict Oramah.
Wargeyska African Business oo warbixintiisa sii wada, ayaa tilmaamay in waddamada Afrika badankooduna aanay xidhiidh weyn oo ganacsi la lahayn Carabta, isagoo tusaale u soo qaatay Suudaan oo soo saartay muus tayo sare leh aanay waxba u dhoofin Sucuudi Carabiya oo uu sheegay inuu sannadkii soo dhoofsado 450.000 ton oo muus ah, kaasi oo ku kaca lacag ka badan $ 600 million dollars.
Ugu dambayn, Shirkadda DP WORLD oo maalgashi ku samaysay dalalka Somaliland, Senegal iyo Masar, ayaa Dekedda Berbera ee Somaliland waxay ku maalgelisay lacag gaadhaysa $ 442 million dollar, halka dawladda Imaaraadka Carabta oo shirkaddan laga leeyahay uu malaayiin dollarka Maraykanka ku bixiyey dib u dhiska waddada Berbera-Wajaale, si jid waafi ah loogu diyaariyo alaabooyinka Dekedda Berbera ka soo dega ee u socda Itoobiya iyo dalalka kale ee bariga Afrika ee aan badda lahayn.