Warbixin ku saabsan Nooca cusub ee Korona oo argagax hor leh geliyey adduunka

Berberanews-Waxa isa soo taraya walaac hor leh oo laga qabo nooca cusub ee feyraska Karoona oo la sheegay inuu aad uga halis badan yahay noocyadii hore ee xannuunkaas dunida oo dhan ku faafay.
Nooca cusub ee cudurka #Covid-19 ee laga helay dunida, ayaa ah mid aad isu isbeddelaya oo xataa mid ka mid ah saynisyahannadu wuxuu ku sifeeyey xaalad argagax leh, halka khuburada qaarkood sheegayaan inuu yahay kii ugu xumaa abid ee la arko.

Ilaa hadda kiisaska la xaqiijiyey waxay ku badan yihiin hal gobol oo dhaca dalka Koonfur Afrika. Sidoo kale, waxa jira waxyaabo tilmaamaya in nooca cusub ee cudurka Korona uu sii baahi karo.

Durba waxa sii kordhaya su’aalo ku saabsan sida uu u faafi karo nooca cusub ee cudurka iyo awoodda uu u leeyahay inuu meesha ka saaro waxtarka tallaalka lagaga hortagayo cudurka iyo weliba waxa laga yeelayo arrintaas.
Waxa jiraa warar kala duwan oo la isla dhexmarayo oo ku aaddan feyraska cusub, laakiinse waxa jira jawaab kooban oo ku saabsan cudurka.

Maxaan ka ognahay nooca feyraska cusub?
Nooca cusub ee feyraska Korona waxay Qarammada Midoobey ugu magac dartay #Omicron, kadib noocyadii Alpha iyo Delta.
Arrinta la yaabka leh ayaa in si weyn uu isu beddelo fayruska cusub.
Prof Tulio de Oliveira oo ah agaasimaha xarunta ka falcelisa cudurrada safmarka iyo hal-abuurka ee Koonfur Afrika, ayaa sheegay in uu jiro isbeddel aan caadi ahayn oo aad uga duwan noocyada kale ee hore ula wareegay dunida.
“Noocan cusub ayaa naga yaabiyey, si weyn ayuu sare ugu kacayaa, waxana aannu ka filaynayaa isbeddello dhowr ah.”

Prof de Oliveira oo warbixin kooban siinayey warbaahinta, ayaa sheegay in noocan cusub uu isbeddelay ilaa 50 jeer, halka 30 goor ay isbeddello ku dhaceen Protein-ka, kaas oo bartilmaameed u ah inta badan tallaalada iyo furaha feyrasku u adeegsanayo inuu ku galo unugyada jidhka aadanaha.

Heerka isbeddelka feyraskan cusub waxay u badan tahay inuu ka yimi hal bukaan oo difaaca jidhkiisu awoodi waayey inuu iska difaaco.

Kama dhigna in isbeddellada feyraskan cusub dhammaantood ay yihiin kuwa aad u xun, hase ahaatee waxa muhiim in la ogaado waxa dhabta ah ee isbeddelladaasi sameynayaan.

Walaaca jira ayaa ah in fayraskan cusub aad uga duwan yahay kii asalka ahaa ee ka soo ifbaxay Wuhan ee dalka Shiinaha, waxayna taasi ka dhigan tahay in tallaalka la soo saaray haatan loogu talogalay in loo adeegsado ka-hortagga feyraskii hore, balse waxa laga yaabaa in aanay waxtar lahayn.

Qaar ka mid ah isbeddellada lagu arkay feyraskan ayaa hore loogu arkay noocyo kale oo cudurkan ah, taas oo khuburada siineysa aragti ah doorka ay ku yeelan karaan nooca haatan soo ifbaxay.
Prof Richard Lessells oo ka tirsan Jaamacadda KwaZulu-Natal ee Koonfur Afrika, ayaa yidhi: “Wuxuu innagu abuurayaa cabsida ah in feyrsakan xoojiyey heerka isu gudbinta. Sidoo kale wuxuu awood u yeelan karaa inuu ku wareego qaybo ka mid ah difaaca jidhka.”

Cilmi-baadhista dhanka sayniska ee lagu sameeyo shaybaadhada, ayaa sawir cad ka bixin doona waxa uu yahay feyraskan cusub, laakiin jawaabaha intooda badan waxay ka iman doonaan la socodka feyraskan cusub iyo sida uu u saameeyo dunida.

Weli waa xilli hore in warbixin dhammaystiran laga soo saaro feyraska cusub, balse waxa jiraa astaamo ku saabsan cudurka oo walaac weyn ku abuuray guud ahaan dadka caalamka.
Waxa jiray 77 kiis oo ku saabsan noocan cusub ee feyrsaka Korona, kuwaas oo si buuxda looga xaqiijiyey Gobolka Gauteng ee Koonfur Afrika, afar xaaladood oo Botswana ah iyo hal Hong Kong ah, waxana si toos ah loola xidhiidhiyey bukaanno qabay cudurka oo ka safray dalka Koonfur Afrika.
Dalalka Israa’iil iyo Belgium ayaa iyaguna xaqiijiyey kiisas ku saabsan feyraska cusub.

Si kastaba ha ahaatee, waxa jiraa tilmaamo muujinaya in feyraskani si weyn u faafayo.

Tani waxay ka dhigan tahay in 90% kiisaska cudurka ee laga diiwaangeliyey Gobolka Gauteng ee Koonfur Afrika in dadkaasi hore u qabeen cudurka, isla markaana laga yaabo inuu ku sii fidi gobollo kale.

Info@berberanews.com