Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Itoobiya iyo farriin Abiy ka soo diray furinta hore ee dagaalka

Ma laga yaabaa in la isku fara saaro caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa?
Ethiopia-(Berberanews)-Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa lagu arkay safka hore furinta dagaalka maalmo kadib markii uu sheegay inuu dagaalka hoggaamin doono.
Dawladda Itoobiya ayaa maanta shaaca ka qaadday tallaabooyin lagu xaddidayo tebinta wararka colaadda xilli lagu soo warramayo in xoogagga Tigrey ku sii dhow yihiin caasimadda Addis Ababa.

Digniin ay dalwaddu u dirtay warbaahinta ayaa lagu sheegay in lagu mamnuucay tebinta wararka la xidhiidha dhaqdhaqaaqa millatariga iyo furimaha dagaalka. Waxa warkaasi la tabin karaa oo keli ah marka ay dawladdu ansixiso.

Warbaahinta dawladda Itoobiya ayaa maanta baahisay muuqaalka ra’iisal wasaare Abiy oo ku sugan tuulo ku taal  Gbolka Canfarta isagoo ku lebbisan dhar millatari.

Wareysi uu siiyey warbaahinta dawladda ayuu ku sheegay in ciidammadiisa ay deegaanno dhowr ah ah dib u qabsadeen.
Ra’iisal-wasaaraha ayaa sheegay in Itoobiyaanka ay u baahan yihiin “inay naftooda u huraan xoreynta dalkooda.”

“Cadowgu nalama tartami karaan,” ayuu yidhi Abiy.

Baaqa safaaradaha:

Dalalka Jarmalka iyo Faransiiska ayaa noqday dalalkii ugu dambeeyey ee muwaaddiniintooda kula taliya inay isaga baxaan dalka Itoobiya xilli ay sii xoogeysanayaan dagaallada sokeeye ee dalka ka dhacaya.

Waddamada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa iyaguna dhawaan soo saaray talooyin ay u jeedinayaan muwaaddiniintooda ku sugan dalkaasi oo ku aaddan inay dalkaa isaga baxaan. Maraykanka iyo UK ayaa dhawaan soo saaray talooyin kuwaas la mid ah halka Qarammada Midoobayna ay bilowday daadguraynta shaqaalaha caalamiga iyo qoysaskooda.

Arrintan ayaa imanaysa iyadoo xooggaga TPLF ay sheegeen inay ku wajahan yihiin magaalada caasimadda ah ee Adis Ababa.

Colaadda ka socota dalka Itoobiya muddada sannadka ah ayaa horseday xaalado bani’aadanimo oo aad u liita oo ka jira gobolka Tigray ee ku yaalla woqooyiga Itoobiya. Kumanaan ruux ayaa la dilay halka malaayiin kalana lagu qasbay inay ka cararaan guryahoodii.

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika ayaa ka digay in sii hurinta dagaalka ka socda Itoobiya uu khatar ku yahay horumar kasta oo laga gaadho wada xaajoodka xabbad joojinta.

Ka dib booqashadiisii Itoobiya, ayaa Jeffrey Feltman, waxa uu sheegay in Ra’iisal wasaare Abiy Axmed iyo fallaagada TPP ay u muuqdaan kuwo aaminsan in guul millateri lagu kala calaf qaado. Mr Feltman ayaa ka digay in haddii fallaagada Tigreegu ay u soo ruqaansadaan caasimadda, Addis Ababa, ay taasi noqon doonto mssiibo iyo wax aan la aqbali Karin.

Dalalka dadkooda kula talinaya inay Itoobiya ka baxaan oo soo badanaya

Ma laga yaabaa in la isku fara saaro caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa?