Maayarka Hargeysa oo Hal-xidhaale hor dhigay tartamayaasha Madaxtooyada Somaliland

Maayar Mooge: Waa kuma Hoggaamiye Taariikh aan hore loo arag dhigi karaa?
Hargeysa-(Berberanews)-Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa iftiimiyay baahida bulshada Somaliland u abto hoggaamiye aragto fog oo aan qabiil ku dhisnaynm, balse aaminsan barnaamij siyaasadeed ummadda u cuntama.
Maayar Mooge, wuxuu tusaale u soo qaatay isaga [Maayar Mooge] iyo saaxiibkii Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan Somaliland inay xidheen rikoodhka Xildhibaanno aan reer soo saarin ee ku soo baxay barnaamijkooda siyaasadeed ee ay ummadda la hor yimaadeen.
isagoo Maayarku hal-xidhaale uga dhigay ragga Madaxtinimada Somaliland u tartamaya inay la yimaadaan hoggaamiye leh Barnaamij siyaasadeed oo qabyaaladi ka madhantahay.
“Taariikhda hal jabtar baa hadhay arrimaha doorashada.haddii nin intuu qabiil halkaa iska dhigay soo baxay oo xildhibaan ku soo baxay walaalkay Barkhad baa ku soo baxay, waa taariikh qorantay, dib u qori maysee iska daa.
Gole deegaan iyo Maayarnimo ,haduu nin intuu qabiil halkaa iska dhigay oo magaalada la dhextegay barnaamijkiisa uu ku noqdayna iyana anay i raacdee iska daa;
Taariikh haddhaan kuu sheegayaa; ragga madaxweynayaasha u tartamaya ayay taariikhi u taalaa, ninka ‘tollaay’ intuu halkaa iska dhigo, isxulafaysiga qabiilka halkaa iska dhigo barnaamij umadda la hor yimaada, barnaamijkiisa ummadda ka gada, dabadeedna madaxweyne sidaa ku noqda, allayle taasaa taariikha: Taariikhdaasaa u baahan inloo diyaar garoobo oo ragga siyaasadda ku jira ay seeskeeda imika sii dhigaan, dedaalkeedana la yimaadaan ayaa loo baahanyahay.” sidaa waxa yidhi Maayar Mooge.

Maayarka Caasimadda Hargeysa waxaa kale oo uu kahadlay baahida loo qabo Xeerkii Caasimadda Hargeysa oo laga sugayo Golaha Baarlamaanka Somaliland, Xeerkaas oo uu ku tilmaamay mid wax weyn ka tari doona horumarinta Caasimadda.
“Dastuurku waa caasimad buu leeyahay, caasimadnimadeedii ma heshay oo xeerkii ma heshay? way fadhiyaan xildhibaannadii maanta, Hargeysa ama caasimad bay noqonaysaa ama magaaladeedii bay ahaanaysaa, xeerkay u dabrantahay, xeerkaana xuquuqdeeda siinaya, imika waa degmo A ah , intaa kama baqayno kamana xishoonayno ee waa odhanynaa. waayo dadku waxbay naga filayaan, anaguna Baarlamaanka waxbaanu ka filaynaa.” ayuu yidhi.
isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi mooge, “Baarlamaanka caasimadda waxaan ka filaynaa in Xeerka Caasimadda la qabiileeyo maaha, dan baa ku jirta; Somaliland-nimo ayaa ku jirta; ninka Laasqoray joogaa inuu maayar ka noqdaa ku jirta. waayo xeerkaasa qeexi doona in magaaladani ummadu leedahay oo qaranku leeyahay tahay; caasimadda ummadda inay tahay, gobolka Maroodi-jeexna gaar baa loo saari, dadkii Ilaahay gobolka ku beerayna taasay ka soo baxayaan, tana wixii Ilaahay ka siiyay ka helayaan, markaa sidaasaanay u ahaanayn in la siyaasadeeyo.”

Berberanews.com,
info@berberanews.com