Baydhabo:Boqor Buurmadow oo caawimo gaadhsiiyey, cafisna weydiistay dadkii Somaliland saartay

Baydhabo -(Berberanews)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow), ayaa lacag dhan 120 kun oo dollar guddoonsiiyey dadka u dhashay degaannada Koonfur-galbeed ee dalka Soomaaliya ee xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ka tarxiishay gobollada Sool iyo Sanaag, isagoo u ballanqaaday in ay heli doonaan wixii hanti ka maqan iyo deeqo kale.
Boqor Buurmadow waxa uu sheegay in ujeeddada uu Baydhabo u tegay la xidhiidho sidii uu dadka reer Koonfur-galbeed ee Soomaaliya uga xaalmarin lahaa raafkii xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland kaga saartay dalkeeda.
“Waxaan idiinku imi in aan gobonimadii Soomaali nagu baratay aan ilaaliyo. Muuse Biixi Cabdi waa madaxweynahaygii, boqorkiisii baan ahay, Wasiirka Arrimaha Gudaha oo waa xaafadayda, jananka bilayskana adeerkii ayaan ahay. Intaba hadday dhaawac idiin geysteen inaan dhayo oo aan ka daba imaad ayaan u imid,” ayuu yidhi.

Boqor Cismaan waxa uu sheegay in marka uu ku noqdo Somaliland la kulmi doono madaxda dawladda, isla markaana kala hadli doono sidii xukuumaddu ay garowshiyo uga bixin lahayd wixii dhibaato ah ee soo gaadhay dadka la tarxiilay.

“Dawladdii iyo xukuumadda Somaliland waan u tagi doonaa, dhaawicii iyo camcamadii la idiin geystay in ay cawad bixiso xukuumaddu, in aan xukuumaddii ku noqdo oo aan idhaa dadkii wixii aad u geysateen keena. Waxa waxa kale oo aan ballanqaadayaa in wixii hanti ma guurta ah aad ka timaadeen aan cidna dhibaato gaadhsiin,” ayuu yidhi Buurmadow.

Boqorka ayaa dadka reer Baydhabo ka codsaday in ay u duceeyaan madaxda Somaliland ee amarka hawlgalka raafka bixiyey, “U duceeya odayaasha jananka iyo wasiirka arrimaha gudaha ishiina in uu Alle ka reebo. Odaygoodii ayaan ahay oo wan u damqanayaa in ay wax gaadhaan.”

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa weli wadda hawlgal ay gobollada qaarkood kaga saarayso dadka reer Koonfur-galbeed Soomaaliya oo ay ku eedaysay in ay ku lug lahaayeen falal ammaan darro oo ka dhacay gudaha Somaliland.