Muqdisho: Alshabaab oo sheegatay qarax dad badan ku le’deen

Muqdisho-(Berberanews)-Ugu yaraan 8 qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qarax saaka ka dhacay wadada u dhaxaysa Tarabuunka iyo Number 4, sida laga xigtay saraakiil ka tirsan kuwa gadiidka gurmadka.

Qaraxa ayaa burbur baahsan gaadhsiiyay iskuulka Mucaasir oo ku yaalla halka uu qaraxu ka dhacay, waxaana sawiraddu ay muujinayaan gawaadhida iskuulka oo ay waxyeello ka soo gaadhay qaraxa.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa, waxayna sheegeen inay beegsadeen kolonyo ay la socdeen saraakiil caddaan tababarayaal ah oo ka soo baxay xerada Janaraal Gordon.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxa loo adeegsaday gaadhi nooc SURF ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Al-Shabaab ayaa todobaadyadii la soo dhaafay kordhisay qaraxyada iyo weerarrada ismiidaaminta ah ee ay ku beegsanayaan Muqdisho, xilka dalka ay ka socoto doorashada Golaha Shacabka.

@Bbc Somali