Halkay Maraysaa Dacwaddii Xildhibaannada Gabiley ka gudbiyeen Maayarka?

Hargeysa-(Berberanews)-Sideed xdhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley, ayaa sheegay inay natiijo sharci ka sugayaan Maxkammadda Sare ee Somaliland oo ay bishii hore u gudbiyeen dacwad musuqmaasuq oo ka dhan Maayarka Gabiley Maxamed Ammiin Cumar Cabdi.

Xildhibananada oo shir jaraaid ku qabtay maanta Hargeysa, ayaa sheegay inay maalinta berri ah oo taariikhdu tahay 23ka November uu la ballamay Guddoomiyaha Maxkamadda sare.

Xildhibaan Axmed Ciisood oo ka mid ah Xildhibaannada dacwada ka gudbiyay Maayarka Gabiley, ayaa ka hadlay rajada goaanka Maxkamadda sare ay ka qabaan inay kasoo saarto dacwadooda.

“Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Aadan Xaai Cali ayaan maanta u tagnay, berri 10ka sunaxnimo ayuu nala ballamay. Dacwadda waxaannu gudbinay 26kii october, maantana waa 22 markaa waxaa intaasoo dhan raajiyay baan isleeyahay in guddooniyuhu isleeyahay xagga sharciga aad uga eeg.
Waxaan rajaynaynaa dacwadda mudada bisha qaadatay ee aan rajaynayno inay berri soo gebogebowdo in natiijo fiican oo sharciya inay kusoo dhammaataan rajaynaynaa.

Ta kalena Baarlamaanka oo iyagana dacwad aan u gudbinay ayaan ka war sugaynaa inta bisha ka hadhay.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Axmed Ciisood.

Halkan ka daawo muuqaal