Ikraan Tahliil hooyadeed oo ka hadashay Natiijada baadhitaanka kiiska gabadheeda

MUQDISHO—(Berberanews)-Xeer ilaalinta maxkamadda milatariga Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan usoo bixin wax caddaymo ah oo muujinaya in Ikraan Tahliil Faarax ay ku maqan tahay gacanta saraakiisha hay’adda nabadsugidda NISA.

Qoyska Ikraan Tahliil Faarax ayaa horey u sheegay in gabadhoodu ay ku maqan tahay hay’adda nabasdugidda ee NISA, waxayna sheegeen inay doonayana inay caddaalad helaan.

Haddaba hadalkan cusub ee ay sheegeen xeer ilaalinta maxkamadda milatariga ayaa waxaan wax ka weydiiyay Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil.

Haaruun Macruuf ayaa weydiiyay sida ay u aragto warbixintan xeer ilaalinta.

Halkan ka dhegayso.

@VOA Somali