Tigreegga oo badhtanka u fafhiistay Halbowlihii  Ethiopia

Ethiopia-(Berberanews)-Ciidammada Tigrayga iyo kuwa Oromada ee isgarabsanaya ayaa gacanta ku dhigay magaalada istaraatajiga ah ee Mile.

Ka dib dagaallo qadhaadh oo muddo todobaad ah ka socday deegaanka Canfarta, gaar ahaana magaaalada Mile, ayaa aakhirkii u suurtagashay ciidamada Tigreegu inay la wareegaan gacan ku haynta magaladaas.

Magaalada Mile oo ah mid muhiima oo isku xidha gacansiga Ethiopia iyo Djibouti oo ah dekedda ugu weyn ee gacansigu u soo maro Ethiopia ayaa qabsasheedu dhabar jab weyn ku tahay dowladda Ethiopia, jidka qudha ee haatan u furanina uu yahay ka Diridhiba oo isna aan masaafo badan ka durugsanayn magaalada Mile ee gacanta u gashay Tigreega.

Haddii xoogaga isgarabsanaya ee Tigreega iyo Oromadu ay qabsadaan jidka labaadna ma jirto rajo danbe oo Ethiopia ay ku heli karto shiidaal iyo quutal-daruuri nololeed oo uga yimaada Djibouti.

Taa bedelkeeda Ethiopia waxay ku qasbanaan doonta inay gacansigeeda u soo wareejiso Berbera oo Wajaale ay uga gudbaan dhammaan waxa ay kala soo degi jirtay Djibouti.