Wararkii u dambeeyay ee Xiisadda Eritrea iyo Jabuuti iyo Baaq ka soo baxay Midowga Afrika

Djibouti(Berberanews):- Ururka Midawga Afrika, ayaa dawladaha Eritrea iyo Jamhuuriyadda Jabuuti ugu baaqay inay dejiyaan Xiisadda ka soo cusboonaatay Xadka ay labada waddan ku muransan yihiin ee Dumeera, ka dib markii ay dawladda Qadar kala baxday Ciidammo nabad-ilaalin ah oo ka joogay halkaas oo ku kala dhex-jiray labada Ciidan ee Jabuuti iyo Eritrea.
Ciidammada Millateriga ah ee dawladda Eritrea, ayaa ku soo ruqaansadan Fadhiisimmada Dhulka lagu muransan yahay ee ay Qadar Ciidammadeeda nabad-ilaalinta u joogay tan iyo 2008-dii ay kala baxday dhammaadka Toddobaadkii hore, sida uu Khamiistii Shir Jaraa’id oo uu Jabuuti ku qabtay ku caddeeyey Wasiirka arrimaha dibedda Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.
2008-dii oo Dagaal ka dhex-qarxay dawladaha Jabuuti iyo Eritrea, isla markaana horraanta 2009-kii, ayey Qaraar uu gaadhay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo go’aamiyey in Ciidammo nabad-ilaalin ah la dhex-dhigo labada Ciidan ee Jabuuti iyo Eritrea, kaas oo uu taageeray Ururka Midawga Afrika, ayaa 450 (Afar Boqol iyo Konton Askari) oo Dawladda Qadar ka socday la keenay deegaanka lagu muransan yahay ee dagaalku ka dhacay. Hase-yeeshee toddobaadkii hore ayey Qadar si lama filaan ah ula baxday Ciidammadeeda, ka dib markii ay dawladaha Jabuuti iyo Eritrea si buuxda u taageereen go’aanka ay Isbahaysiga Carabta ee Sucuudigu hoggaaminayaa xidhiidhka ugu jareen dawladda Qadar.
Wasiirka arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Tojora ee dalka Jabuuti Khamiistii, ayaa sheegay in Ciidanka Eritrea fadhiisimmo ka dhigteen Xadka ay hore labada dal ugu muransanaayeen ee ay banneeyeen Ciidammada Nabad-ilaalinta ee Qadar. Deegaanka lagu muransan yahay ee Dumeira, ayaa ah Dhul Buuralay iyo Xeeb isugu jira oo lahaansheheeda loo badiinayo dhinaca Jabuuti.
Maxamuud Cali Yuusuf Wasiirka arrimaha dibedda ee Jabuuti oo ka hadlaya arrintaas, waxa uu yidhi; “Markii dhibaatadu ay ka dhex-dhacday dalalka Khaliijka ay dhex-dhexaadintii Eritrea iyo Jabuuti ay ka noqdeen oo Ciidammadeedii nabad-ilaalinta u joogay Dumarena kala baxday. Kolkaa wararka na soo gaadhayaa waxa weeye in Ciidammada Eritrea meeshii ay ku noqdeen. Waxaa jiray Qaraar ay Qaramada Midoobay qaadatay 2009-kii oo sheegaya in Ciidammada labada dal ay ka durkaan meeshaan, illaa xal loo helayo, Xuduudna la jeexayo. Kolkaa haddii Eritrea ay meel kaga dhacday go’aankaas, Adduun-waynaha iyo Mushtamaca dawliga ayey u taallaa qaraarka ay ka qaadan doonaan Eritrea.”
“Annagu haddii aan Jabuuti nahay hadday dhinac Millateri tahay Ciidammadeennii waan geynay Dumare, haddii kale oo la odhanayo diblamaasiyadda wax hallagu xalliyana waxaan u jeedinnay dhambaallo Qaramada Midoobay, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Xoghayaha guud ee Ururka Afrika iyo Dalalka Carabta. Jabuuti dal nabad-doon ah buu weligiiba ahaan jiray, markaa dhinaca Siyaasadda iyo Diblamaasiyadda ayaan ku horreysiinnay, haddii Eritrea ay ku adkaysato Xalka Millaterina, Jabuuti diyaar iyo goob-joog bay u tahay, waanay joogaan Ciidammadayadi.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf.
Haddaba, Guddoomiyaha Ururka Midawga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa War-Saxaafadeed uu Sabtidii Maanta soo saaray kaga hadlay arrintaas, waxaanu Qoraalkiisa ku yidhi; “Ururka Midawga Afrika, waxa uu si dhaw ugula talinayaa Maamullada Djibouti iyo Eritrea inay xaaladda dejiyaan, intaannu ku dhammaynayno hannaan Diblamaasiyad oo aannu u magacaabayno Guddi Xaqiiqo-raadin u noqota Xadka ay ku muransan yihiin Jabuuti iyo Eritrea.”
Dawladda Qadar weli si rasmi ah ugamay hadal go’aanka keenay inay Ciidammadii nabad-ilaalinta uga joogay Xadka Jabuuti iyo Eritrea isku hayaan ee ay ku sugnaayeen tan iyo 2009-kii, markii ay labada dal ay aqbaleen dhex-dhexaadin dawladda Qadar ka gashay khilaafkooda iyo dagaalkooda iyo weliba Qaraarka Midawga Afrika taageeray ee Qaramada Midoobay ka soo saartay Muranka Xadkaas lagu dagaallamay 2008-dii. Sidoo kale, dawladda Eritrea iyaduna weli kamay hadal sababta Fadhiisimmada Ciidammada Qadar ka baxeen ugu ruqaansadeen.
Go’aankan ayaa yimi markii ay dawladda Jabuuti si buuxda u taageertay Go’aana Dalalka Carabtu ku gedoomiyeen dawladda Qadar, sidoo kalena Eritrea oo markii hore shaacisay inay Qadar taageersan tahayna toddobaadkii hore ka noqotay go’aankeeda hore, isla markaana sheegtay inay si buuxda u taageerayso go’aanka Xulufada Sucuudigu xidhiidhka Xuduudaha kala duwan, ka diblamaasiyadeed iyo ka ganacsi iyo isu-socodba ugu jareen Dawladda Qadar. Waxaana loo arkaa in tallaabada ay labadan dawladood ku taageereen Mawqifka Xulufada Sucuudiga uu soo dedejiyey inay u kala dhex-baxdo Jabuuti iyo Eritrea oo ay ku kala dhex-jirtay muddo siddeed sano ku siman.