Dawladda Somaliland Oo Ku Baaqday In Aan Cunaqabataynta Hubka Laga Qaadin Somalia

(Berbera news) Madaxweynaha Jamhuuriyada  Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo,  ayaa beesha caalamka u soo jeediyey in Soomaaliya aan laga qaadin cunaqabateynta hubka, waxaanu sheegay inay caqabad ku noqonaysa xasiloonida mandaqada Geeska.

“Aniga oo madashan iyo munaasibaddan qaran ka faa’iidaysanaya, waxaan ugu baaqayaa dalalka Midowga Yurub, Maraykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Midowga Africa, Jaamacadda carabta, dawladaha ku bohoobay Urur Goboleedka IGAD, in ay garwaaqsadaan qadiyadda Qarannimada Somaliland, isla markaana ixtiraamaan xaqa aaya ka tashiga shacbigayga.Soomaalidu waxay ku maahmaada: “Ninka aan waxa soo socda garani, waxa joogna ma garto”.Sidaa darteed, maanta Ummadii Soomaaliyeed way kala tagtay, waana kala tashatay, oo ma jirto dal iyo dawlad ka dhaxaysa oo ay wadaagaan. Haddaba, haddii qayb ka mid ah laga qaado cuna qabataynta hubka ama ay dunidu hubayso, waxaa hubaal ah in ay tallaabadaasi, u horseedi doonto mandaqadda Geeska Africa xasilooni darro, iyo xurgufo hor leh oo abuura xiisado colaadeed.Waxaan si weyn uga digayaa in qawmiyadda Soomaaliyeed la dhex dhigo utun iyo arami, sabab u noqon karta cawaaqib xumo aan laga soo kaban.” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Berbera news.