Xukuumadda Somalia Oo Ku Baaqday In Laga Hor-tago Mabaa’dida Urur Diimeedka Al-Saadicuuna Bil Xaq

(Berbera news) Wasiirka Warfaafinta Xukumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa Urur Diimeed dhawaan qaybo ka mid ah Somaliland iyo Soomaaliya lagaga dhawaaqay.

Qoraal boggiisa Facebook-ga uu soo dhigay ayuu Wasiir Yariisow waxa uu kaga hadlay, Baaq ay soo saareen Culumadda Soomaaliyeed oo ay kaga soo horjeedaan Koox Diimeedka cusub.

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay ka hadashay Koox Diimeedka Al-Saadicuuna Bil Xaq oo fadhigooda weyn uu yahay dalka Masar.

Dalka Somaliland  ayaa sidoo kale ka mid ah meelihii lagaga dhawaaqay koox Diimeedka, balse ciidamada amaanka Somaliland ayaa xabsiga dhigay xubno ka mid ah kooxda culumada ee la baxday Saaddicuuna Bil Xaq.

Berbera news.