“Waxaan doonayaa inaynu markhaati ka ahaanno Muuse Biixi oo Musharraxeenna ah iyo Suldaankeenna Guud.”Wasiir Cukuse

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa gacanta isu saaray Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Guddoomiyaha ahna Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo xurguf siyaasadeed ka dhaxaysay.
Munaasibad Qado-sharaf ah oo uu Wasiirka Madaxtooyadu u sameeyey Garabka Haweenka iyo Hoggaanka Kulmiye oo lagu qabtay magaalada Hargeysa Sabtidii Maanta, ayuu Heshiiskaasi ka dhacay, isla markaana hadallo kaftan iyo sheeko ah ay isku waydaarsadeen Suldaan Maxamed iyo Musharrax Muuse. Waxa uu sidoo kale halkaa ka jeediyey Wasiir Cukuse hadal uu kaga hadlay arrimaha Xisbiga Kulmiye iyo heerka ay wakhtigan marayaan, isaga oo sheegay in Xisbigu xilligan shidan yahay.
Ugu Horreyn Wasiir Cukuse oo ku soo dhaweeyey Suldaan Maxamed iyo Musharrax Muuse Cod-baahiyaha, ayaa yidhi’ “Waxaan doonayaa inaynu markhaati ka ahaanno Muuse Biixi oo Musharraxeenna ah iyo Suldaankeenna Guud isku Iskuul bay ahaayeen, maantana way is-dooranayaan. Suldaankeenna guud wuxuu diyaar u yahay inuu u Footeeyo (codeeyo) Muuse Biixi Cabdi…..”
Markaas ka dib, waxaa Cod-baahiyaha la wareegay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo uu uga dambeeyey Muuse Biixi iyo weliba Cukuse oo markii ay dhammaysteen iyagu hadal uu halkaas ka jeediyey ku sheegay in Xisbiga Kulmiye shidan yahay iyo qodobbo la xidhiidha Hadalka Kulmiye, waxaanannu hadalladaas oo dhan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-