Mid ka mid ah Calaamadihii Qiyaamaha oo lagu arkay Badda Somalia iyo Yemen u dhaxaysa iyo Quwadaha Dunida oo isugu yimi

Admiral Maksimov oo ahaa taliyaha ciidamada badda ee Ruushka qaybta waqooyi oo warbixin sir ah ku kashifay in ciidamada badda ee dunida ee ku qulqulayeey badda Soomaaliya iyo gacanka carbeed iyagoo ku gabanayey la dagaalanka budhcadbadeeda ,iyo argagixisada uu arrinkaas ahaa Been abuur lagu daboolayey dilaac weeyn oo bada kala baray iyo god weyn oo albaab u eg oo ka furmay badda u dhaxaysa Soomaalia iyo Yeman, godkan ayaa biyaha nuugaya wuxuuna dhalinayaa biyo islaba rogaya iyo magnad wax soo jiidanaya waxa kala durkaya qabcadaha dhulka ee qaaradaha isku haya .
Waxa la sheegaa in qabcadaha dhulka dilacayaan oo kala durkayaan 45 cm sanad walba gacanka cadmeed waana qiyaas aad uga weeyn dhulka intiisa kale oo u dhigan qiyaastii 1500 km dilaac ku siman.
Malaayin sano oo nooluhu jiray  wuxuuna ku beeganyahay meesha loo yaqaan caluula fartaag oo ku beegan badda bariga Soomaaliya iyo inta u dhaxaysa jaziirada suqadara. Ilaa laga gaaro dhulka canfarta degto.
Waxaana la sheegay in magnadka  goobta ka dhashay u keenay dabaylihii iyo duufanadii roobabka watay ee dunida saameeyey ee( jet stream) .
Waxana laga cabsi qabaa dab weyn oo bada hoosteeda ka dilaaca oo halakayn kara xeebaha Soomaaliya ee gacanka cadmeed xiga ilaa wadamada Jabuuti ,dhulka canfarta ethiopia iyo guud ahaan wadanka Yeman.(subxaan) dabadeedna dabkaas ku faafo dunida inteeda kale( dhamaadka aduunka)
Waana meesha ay ilaalada ka hayaan ciidamada badda ee Maraykanka iyo dunida oo dhan oo hada fariisimo ka sameeystay dalka Jabuuti.
Dilaaca badda waxa markii hore helay ciidamada faransiiska oo maraakibtooda arkeen biyaha is laba rogaya sanadkii 2000 waxayna u habar wacdeen Maraykanka iyo ciidamada midowga Yurub oo keenay khuburadoodii ugu caansanaa iyo qalabkii ugu  danbeeyey sanadkii 2008 dii, waxa iyana ka daba yimidey ciidamada ruushka oo dhaqdhaqaaqan ka shakiyey ruushka markii danbe waa la qanciyey inuusan dadka dunida cabsi galin. Inkasta oo 40 ilaa 60 jeer dhulka meeshaas gariiray
Hawlgalkan ayaa ahaa indhaha dalka aduunka looga sii jeediyey la dagaalanka budhcadbadeeda oo wiilal Soomaali ah lacag lagu siin jiray hawlgalka loo bixiyey( MK.ultra)
Hawlgalkan beenta ah waxa lagu xiray dhalinyaro Somalia ah of gaaraya 1250 wiil (KUN IYO SHAN BOQOL)., waxaana la dilay Waxana lagu dilay 45.
Markii hore dowladaha qarbiga waxay aminsanaayeen in quruumo kale samada sare uga soo duuli rabaan dunida oo albaab badda hosteeda ka furteen  Waxayna ilaalo ka hayeen inta badda ka dilaacday .
Waxana la tilmaamay dabka Yaman oo saynisyahanada uga digeen dadka in loo safro waxayna ku tilmaamay sifada (Group zero) oo ka dhigan meel rogmad ka dhici rabo.
Waxa loo habar wacday dunida oo dhan sida ciidamada badda ee Canada,Aaustralia kuwa China, Malaysia, korea, India, Iran,  Pakistan, Danmark, Japan, Holland, Germany ,Nnorway, Belgium iyo kuwa Carabta.
Uga danbeyntii waxa hada ku soo biirtay dowladda Sucuudiga oo iyadu arrinka lagu wareeray soo bandhigtay mucjisooyinkii nabi Maxamed SCW  u uga waramay dilaaca dhul gariirka badda oo ka mid ah calaamadaha shanta ah ee saacada qiyaamaha ee ka bilaamaya dabka ka soo bilaamidoona gacanka Yeman.
Sucuudiga iyo dowladaha khalijka waxay go’aansadeen inay degaan xeebaha Somalia si ay xaalada ula socdaan. Waxayna damacsanyihiin inay saldhigyo ka furtaan Berbera iyo Bosaaso.
Waxa hada socda Hawlgalka loo bixiyey (false flag.) oo Badda Soomaaliya iyo inta u dhaxeysa waa la haystaa ciidamada badda ee dunida ayaa ku dhan oo ku gadaaman. Maraakibta badda quusta ayaa howlgalo wada.
Hadaba walalayaal howlgaladii la dagaalanka budhcad badeeda beenbay noqotay wuxuuna ahaa shirqool lagu daboolayey calaamadaha qiyaamaha oo ilaahay iftiimiyey bilowgoodii.
Hadaba waxa inala gudboon inaan diinta qabsano oo ilaahay u noqono oo akhiradeena badbaadsano subxaana laah.
Waxa badeena ka dhacaya xitaa warmoogaan ka ahaayn ( warbixintan hadaad Google ku qorto (amiral maksimov Report) waad heli si fudud.
(Fiiro sugan )warbixinta admiralka sanadkii 2014 biloowgiisii ayaa gacanta loo galiyey madaxweyne Putin oo rushka madax u ah wuxuuna ku shaabadeeyey( top secret classified) MICNAHEEDUNA YAHAY ( SIR CULUS OO XAFIDAN.)
Warbixibtan qofkii rabo ha ku qoro google. Myterious vortex in Golf aden.
Xigasho Afrika24.net