Dablay Hubaysan Oo Weeraar Ku Qaaday Guriga Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Siilaanyo

 
(Berbera news) Koox Dablay ah oo hubaysan, isla markaana aan la aqoonsan cid ay yahiin, ayaa xalay weerar ku qaaday guriga Wasiirka  Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxamuud Sheekh Cabdilaahi Cige.
Dablaydii weerarka soo qaadey ayaa ay rasaas la dhaceen Albaabada iyo Gidaarada Gurigaas,  waxaana iska caabin kala hor yimid ilaalada Wasiirka , wax khasaare ahina kamuu dhalan
Wasiirul dawlaha amniga ee wasaarada arrimaha guddaha Maxamed Muuse Diiriye oo falkan  ka hadlay, waxaa uu sheegay in baadhis la wado, islamarkaana dad arrintaasi loo tuhmay la xidhay.
Halkan ka daawo faa-faahinta warkan.

Berbera news.