Socdaalka Siilaanyo ee Itoobiya, Codsiga Fadhiisinta Labada Gole, Filashada Qaddimaadda Heshiiska Saldhigga & Kulankii Qasriga

Hargeysa, 06 Febraayo, 2017(Ogaal):- Iyaddoo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani uu guddi u saaray ka soo talinta mawqifka ay xisbi ahaan ka qaadanayaan Saldhiga millateri ee xukuumaddu Berbera ka siinayso dawladda Imaaraadka Carabta, Gudoomiyaha xisbiga Ucidna uu hore u shaaciyay taageeradiisa saldhigaa, ayaa dhanka kalena xoggo uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay Illo lagu kalsoon yahay  ay tibaaxeen in lagu wado in Madaxweynuhu khudbad sanadeedkiisa labadda gole uu kaga hadli doono arimo uu ka mid yahay heshiiska saldhigaasi.

Xogahaasi siday tibaaxeen, khudbad sanadeedka Madaxweynaha waxa qayb ka ah saldhigaa millateri, isla markaana waxay tilmaameen in uu khudbadiisa kaga  dalbi  labadda gole meel marinta heshiiskaa, kaasoo aanay kala cadayn in loo sii gudbiyay shir gudoonka golayaasha iyo in loo bandhigi doono isla waqtiga uu Madaxweynuhu la hadli doono labada aqal. Wararku waxay intaa ku dareen in Madaxweynuhu u gudbiyay shirgudoonadda golayaasha dalab ku saabsan inay fadhiisiyaan labada aqal bishan 12keeda, xilligaas oo uu hortegi doono una jeedin doono khudbad sanadeedka.
Geesta kale xogahaasi waxay sheegeen, in Madaxweynaha iyo wefti uu hogaaminayaa  lagu wado inay socdaal ku tagaan magaaladda Addis Ababa maanta iyo berri  midkood, isla markaanna waxay xoguhu intaa ku ladheen in socdaalku salka ku hayo martiqaad ay ka heleen xukuumadda Itoobiya. Illaha aanu xogahan ka soo xiganay waxay tilmaameen in weftiga Madaxweynaha raacaya ay ka mid yihiin Wasiiradda Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi, Arrimaha Dibada Sacad Cali Shire iyo xubno kale, halka illo kale ay ka tibaaxeen in ay maanta tegayaan dalka Itoobiya Wefti uu hogaamin doono Wasiirka Madaxtooyadu, kaasoo ay xubnihiisa ka mid yihiin Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo xubno kale. Xogahaa uu Ogaal ka soo xigtay illahaa kala duwan ka sokow ma jiraan warar madax banaan oo kala xaqiijinaya jiritaanka arrimahaa oo ka soo baxay dhnacyada ay khusayso, isla markaana noomay suuragalin in aanu helo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo aanu xaqiijinta arrimahaa xidhiidh dhanka isgaadhsiinta ah kala samaynay.
Wasiiro iyo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan ayaa marar kala duwan ka hadlay arrinta saldhiga millateri, kuwaasoo dhamaantoodba dooddoodu u dhacaysay in faa’iido wayni ugu jirto Somaliland, halka siyaasiyiinta mucaaradka qaar badan oo ka mid ahi ay ka dardaar weriyeen gelitaanka heshiis noocaas oo kale ah, kaasoo ay sheegeen in aanu dan u ahayn Somaliland. Hase yeeshee ilaa hadda xukuumaddu ma soo bandhigin heshiiska saldhigaa, isla markaana waxay hore u sheegtay in aanuu noqonayn qarsoodi ee ay hor gayn doonaan Baarlamaanka.        
Dhinaca kale, ila-wareedyo xalay goor-dambe Wargeyska Ogaal helay, ayaa tibaaxay in Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanku ay la kulmeen Madaxweyne Siilaanyo oo la sheegay inuu kala hadlay sidii ay Golayaasha dhexdooda ugaga ololayn lahaayeen meel-marinta Heshiiska Imaaraadku ku doonayo Saldhigga Millateri ee Berbera, kuwaas oo la sheegay inuu kulankooda xalay ka soo shaqeeyey Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ka tirsan Mudanayaasha Xisbiga Kulmiye ee Golaha Wakiillada. Inkasta oo la sheegay in Xildhibaannadaas Lacag fiican loo ballan-qaaday, haddana xogtu ma muujin xaddiga Kharashkaas.
Xigasho Wargeyska Ogaal