Xisbiga WADDANI garabkiisa dhalinyaradda oo xaflad casho sharaf ah ku qabsaday Helsinki

Garabka dhalinyaradda ee xisbiga WADDANI laanta Finland ayaa xalfad casho sharaf ah ku qabsadeen caasimadda wadanka Finland ee Helsinki habeenkii jimcihii inasoo dhaafay.
Xalfadaas oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxa kasoo qayb galay dhamaan masuuliyiinta iyo taagerayaal faro badan oo kala yimid goboladda dalka. Waxaan masuuliyiinta laanta Finland kala hadleyn taagerayaasha sidii loosii dardar gelin lahaa hawlaha xisbiga iyo ka qayb qaadashadda gurmadka abaaraha ee masuuliyiinta xisbiga ee laanta Finland bilaabeen.
Waxa ujeedadda xalfadda casho sharafta ah loogu talogalay sii ambabixinta gudoomiyaha garabka haweenka Marwo Xaliimo Max’ed Xuseen oo u socdaalaysa dalkii hooyo ee S/land. Waxa si qoto dheere uga hadlay waxqabadka gudoomiye Xaliimo iyo waxqabadka aan kala go’ lahayn ee u hayso xisbiga gudoomiyaha laanta Finland Mudanne Isaak Abdi Gulleid.Waxa uu gudoomiyuhu gudoonsiyay marwo Xaliimo shahaado sharaf kulana sii dardaarmay inay dadaalka halkaas ka sii wado, Ilaahayn nabad qab geeyo dalkii hooyo.
Waxa isna goobtaas ka hadlay oday Faarax Jees oo ka mid ah odayaasha xisbiga oo dardaran dhinacyo badan ah usoo jeediyay bulshaddii goobta isku timid una mahad-naqay dadkii xalfadda soo diyaarshay.
Waxay xalfaddaas casho sharafti ah kusoo dhamaatay farxad, damaashaad iyo duco ah inuu ilaahay dadkeena ka dul qaado abaarta kulul ee haysa.
Gudoomiye Eng. Jamaal C/laahi Xassan
Turku/Finland