Donald Trump oo Xoghayaha cusub ee gaashaandhiga u magacaabay anaraalka howlgabka ah ee James Mattis

Washingtone-(Berberanews)-Isu soo baxii ugu horreeyay ee uu qabtay tan iyo markii uu ku guulaystay xilka madaxtinimada Mareykanka, ayuu Donald Trump kaga dhawaaqay in Janaraalka howlgabka ah ee James Mattis uu noqon doono Xoghayaha cusub ee gaashaandhiga.

Janaraal Mattis – oo sidoo kale loo yaqaan “Mad Dog” – ayaa horay uga tirsanaan jiray ciidammada marineska Mareykanka waxuuna sumcad ku leeyahay fikirkiisa istiraatiijiyadeed, hadal adag iyo in Iiraan uusan aaminsanayn.

Wuxuu khibrad ballaadhan ka helay dagaalada ka soconaya Ciraaq iyo Afghanistan.

Donald Trump ayaa u sheegay dad fara badan oo qaylinayay oo isugu soo baxay magaalada Ohio in James Mattis uu noqon doono Xoghayaha cusub ee gaashaandhiga Mareykanka._92797706_jamesmattis

Mr Trump ayaa sheegay inuu doonayo inuu wax ka badelo siyaasadda arrimaha dibadda ee Washington.

Trump ayaa sidoo kale u sheegay dadkii isugu soo baxay magaalada Ohio in wax walba oo awooddiisa ah uu u sameyn doono sidii uu argagixisada uga saari lahaa Mareykanka.

Waxa uu xusay weerrarkii Isniintii la soo dhaafay uu Jaamacadda Ohio ku qaaday wiilkii Soomaaliga ahaa ka hor inta aanu carabka ku dhufan in maamulkiisa uu soo bandhigi doono isbadello ballaadhan oo uu ku sameyn doono sharciga socdaalka ee haatan jira.

Xigasho Bbc