Madaxweynaha Turkiga oo NATO uga digay inay magangelyo siiyaan askar ku lug lahaa afgembigii dhicisoobay

Turkey-(Berberanews)-Madaxweynaha Turkiga ayaa NATO uga digay in aanay hoy siinin ciidamadii ka qeyb qaatay isku daygii afgembi ee ka dhacay dalkiisa bishii July ee sanadkan.

Mar uu ka soo duulaayay dalka Uzbekistan oo uu kula hadlay wariyayaasha ayuu sheegay in u codsaday in la soo xidho askar uu ku tilmaamay kuwo argagixiso ah.

Arintani ayaa laga yabaa in Mr Erdogan uu ku soo hadal qaado kulan uu maanta la yeelan doono xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg, oo ka qeyb galayo kulan Gaashaanbuurta NATO ay ku yeelan doonto dalka Turkiga._92575144_erdogan

Axadii ayuu Mr Erdogan sheegay in Turkiga uu ka weecan karo dadaalka uu ugu jiro ka mid noqoshada Midowga Yurub, taa bedelkeedana uu ku biiri karo ururka Eurasia ee ay ka midka yihiin Ruushka iyo Shiinaha.

Xigasho Bbc