Shirkado waaweyn oo ka maagay ka qaybgalka shirkii Ganacsiga Somaliland iyo Germany

Berlin-(Berberanews)- Shirkadihii Waddanka Jarmalka ugu tayo wanaagsanaa ee la filayay in ay kasoo qayb galaan kulan-ganacsiyeedkii loogu magac daray Maalinta Somaliland iyo Jarmalka ee Toddobaadkan lagu qabtay dalkaasi Jarmalka ayaa gabi ahaanba baaqday marka laga tago inyar oo kooban kadib markii ay saluugeen qaabkii dawladda Somaliland muddada uga soo shaqaynaysay kulankaasi oo ugu yaraan laba jeer oo hore dib u dhacay taasi oo keentay in ay candhuuftooda dib u luqaan shirkadaasi oo muhiimad ballaadhab oo ganacsiyeed u lahaa dhaqaalaha Somaliland sidaana ay xukuumaddu ku lumisay fursaddaasi dahabiga ah.
Shirkan oo loogu magac daray maalinta Ganacsiga Ee Jarmalka Iyo Somaliland oo ay soo qaban qaabisay hay’ad Jarmal ahi oo kaashanaysay wasaaradaha Ganacsiga iyo Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxa si weyn looga dareemayay in aanay shirkaasi kasoo qayb galin shirkadihii la filayay ee Somaliland fursad u noqon lahaa in ay maal gashi ku samaystaan kadib markii la sheegay in ay qaadan kari waayeen wax ay ugu soo hagaagaan dhinaca xukuumadda oo dhawr jeer shirkaasi dib uga dhacay kadib markii wasaaradaha Ganacsiga iyo Arrimaha Dibadu hore si firfircoon uga soo bixi waayeen in shirkaasi ku qabsoomo wakhtigiisa dib u dhac ay sababeen wasaaradahaasi darteed.image-2588
Arrintan waxa shalay ka hadlay oo wax laga waydiiyey Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo ka mid ahaa madaxdii xisbiyada Somaliland ee shirkaasi ka qayb gashay ayaa isaga oo warfidiyeenada ku sugan dalka Jarmalka la hadlayay waxa uu yidhi: “Shirkii aannu maanta kasoo qayb galnay waxa uu ahaa shir ay soo qaban qaabiyeen hay’ad Jarmal ah oo la yidhaa African Frueg oo loogu talo galay in lagu kulmiyo shirkadaha ganacsiga ee Somaliland iyo kuwa Jarmalka magaca shirku waxa uu ahaa (Somaliland German Business Day) ama maalinta ganacsiga ee Jarmalka iyo Somaliland. shirku waxa uu tiraba laba jeer dib uga dhacay wakhtigiisa isaga oo dib ugu dhacay diyaar garaw xumo xagga xukuumadda ah taasina waxa ay sababtay in shirkadihii la filayay in ay yimaaddaan in aanay iman, kuwaasi oo intooda badani maqnaayeen oo shirkado badani aanay kasoo qayb galin iyada oo sabab looga dhigay inay ku talo gali kari waayeen imaatinka iyo dhicitaanka shirka, waxaana qaban qaabada shirkaasi lahaa hay’addaasi iyo wasaaradda Ganacsiga Somaliland iyo qayb ahaan wasaaradda Khaarajiga. Xukuumaddu waxa ay soo dirtay wafti ay hogaaminayeen labadaasi wasiir oo kala ah wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Ganacsiga, waxa kale oo la socday Guddoomiyaha rugta Ganacsiga Somaliland iyo shirkado fara badan oo reer Somaliland inkasta oo ay lahaayeen shirkado badan oo iman lahaa waxa dhibaato ka gaadhay fiisayaashii dalkan Jarmalka. Waa bilaw wanaagsan, waa shir isku xidh ah oo dhinaca ganacsiga ah waxaanay shirkadihii shirka yimid labada dhinacba soo ban dhigeen warbixino waxaanu midho dhalku iman doonaa marka ay isku xidhmaan shirkadahaasi ee ay xidhiidhada kala qaataan waxaana xusid mudan in Wasiirka Arrimaha Dibaddu sheegay in shirka labaad uu ka dhici doono dalka Somaliland Gudihiisa haddii taasi suurto gashana waxa ay noqon doontaa arrin aad ugu wanaagsan dalka” ayuu yidhi cabdirashiid Xasan Mataan oo shirka ka hadlayay.

Xigasho Foore