Xisbiga Waddani oo Xukuumadda Siilaanyo ku eedeeyey Burburinta UCID

Hargeysa(Berberanews):- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa si kulul u cambaareeyey inay Xukuumadda talada Somaliland haysa ee Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyaa ku kacday tallaabo ay ku burburinayso  Xisbiga labaad ee Mucaaradka ah ee UCID, isla markaana ay si indho-la’aan iyo cadaalad-darro ah u taageertay mid ka mid ah labada Garab ee UCID u kala fadhiyey ee ay Jamaal iyo Faysal kala hoggaaminayeen oo ay Maxkamadda Sare ku amartay inay wada qabsadaan Shirweyne aan caadi ahayn.

Hadalkan, ayaa yimi markii ay Xukuumaddu is-hor-taagtay qabashada shir Garabka Musharrax Jamaal Cali Xuseen hoggaamiyo ee Xisbiga UCID ku qabsan lahaayeen Subaxnimadii Salaasada Maanta Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, halka ay ka oggolaatay, Xisbigeeda Kulmiye iyo Masuuliyiin kalena ka qaybgaleen Shir Garabka uu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe hoggaamiyio ee UCID ku qabsadeen Huteelka Adem’s in ee isla magaalada Hargeysa.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde oo ka hadlay Shir Sarajoog ah oo ay Garabka Jamaal Barxadda hore ee Dayrka Maansoor Huteel ku qabsadeen, ka dib markii loo diiday Hoolka ay Huteelka ka kiraysteen ee ay doonayeen inay Shirkaas oo ay ugu yeedheen Shirweynihii aan caadiga ahayn ee ay Maxkamaddu ku amartay ku qabsadaan, halkaas oo ay sheegeen inay Guddoomiye cusub ugu doorteen Eng. Sabce oo ahaa Guddoomiyihii Golaha dhexe ee Xisbiga UCID.

Hase-yeeshee, Shirweynaha Garabka Faysal Cali Waraabe qabsadeen maanta, ayaa lagu laalay Heshiisyadii Garabka Faysal la galeen Garabka UCID markii ay isku biireen sannadkii 2012-kii, halkaas oo ay Masuuliyiin Guddoomiye Faysal ka mid yahay, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Kulmiye Maxamed Kaahin iyo Xubno kale ka mid yihiin ay ka hadleen.

Haddaba, Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde oo ku baaqay in la taageero Jamaal Cali Xuseen iyo Garabkiisa oo Cadaalad-darro lagula kacay, si kululna Xukuumadda ugu eedeeyey inay iyadu arrintaas ka dambayso, waxaannu hadalkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho habboon: