Wararkii U Dambeeyey Dagaal Beeleed Dib Uga Qarxay Deegaanka Ceelafweyne Ee Gobolka Sanaag Dhimashada Iyo Dhaawaca Oo Sii Kordhaya

Dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawacba sababay ayaa ka qarxay deegaanka Dararweyne ee Degmada Ceelafweyne ee Gobolka Sanaag, halkaas oo uu dagaal ku dhex maray laba beelood o halkaasi wada dega.
Dagaalkan ooh ore labadan beelood ugu dhex maray deegaanka Bacaha oo ka tirsan Degmada Ceelafweyn, halkaas oo ay ka dhasheen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaana kala dhex galay xukuumadda Somaliland oo waan waan ay ka gashay nabadayn kala dhex dhigtay oo labada dhinac ka dhaarisay odayaal sheegay markaasi in ay nabad qaateen.
Hadaba labadan beelood oo wada dega halkaasi, ayaa la sheegay in uu galabta dagaal ku dhex maray deegaanka Dararweyne ee Degfmada Ceelafweyn halkaas oo la sheegay in uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaana ay wararku sheegayaan in dhimashadu ay gaadhay illaa afar qof iyo dad kale oo dhaawac ah.
Wararka ka imanaya deegaanka uu dagaalkani ku dhex maray labadan beelood, ayaa sidoo kale sheegaya in uu dagaalkani ahaa mid culus oo la isku gabal dhacsaday, iyada oo aanay illaa hadda jirin war rasmi ah oo sheegaya khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi.
Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Jaamac Fly oo aanu la xidhiidhnay si aanu wax uga waydiinno dagaalkan, ayaa sheegay in uu mashquulsan yahay oo aanuu wakhtigan ka hadli Karin, iyada oo aan la ogayn in ay ciidanka amaanka Somaliland kala dhex galeen beelahaasi iyo in kale, balse xaaladda ayaa dadka deegaanku ay ka dayrinayaan.