Haweenayda Hogaamisa Dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegtay in qaxootiga soo gala dalkeeda Jarmalku in aysan keenin dalkeeda argagasinimo.

Haweenayda Hogaamisa Dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegtay in qaxootiga soo gala dalkeeda Jarmalku in aysan keenin dalkeeda argagasinimo.
Waxay intaa raacisay in diinta Islaamka laga ogol yahay dalkeeda maadaama loo isticmaalo siyaabe qaddariyay dastuurka. Dhawaana waxaa dalka Jarmalka ka dhacay weeraro ay  ISIS qaaday.
Angela-Merkel‘Dhacdada argagaxisonimada Islaamiyiintu  maahan dhacdo qaxootigu noo keeneen’. Ayay tidhi  Angela Merkel.
In ka badan hal malyan oo qaxooti ah ayaa galay Jarmlka sanadkii lasoo dhaafay ee 2015 oo qudha.
Dadkaa ayaa qaar kasoo qaxeen wadamada colaadaha ba’an ay ka jiraan ee Bariga Dhexe sida Suuriya iyo Ciraaq halka in badan oo kalena ay ka haajireen qaarada Afrika iyagoo ka baxsanaya gaajo iyo faqri.
Si kastaba ha ahaatee, muwaadiniin badan oo reer Jarmal ah ayaa shacuur cadho leh uqaba qaxootiga iyo ajaaniibta dalkooda jooga ay ku dhalatay gaar ahaan bishii lasoo dhaafay kadib markii weeraro badan ay ka dheceen dalkaa kuwaasoo 3 ka mid ahaa dad muhaajiriin ahi qaadeen.
Kala Soco Wararka Dalkaaga Iyo Dibada
Berberanews.com
Head Office Hargeysa