Kulan dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Jaaliyadda Dubai

Dubai-(Berberanews)-Munaasibad balaadhan oo ku tirsan dabaaldega sanad guurada 25-aad ee 18 May, la soo noqoshada madax-banaanida Somaliland, ayaa lagu qabtay Imaaraada Dubai ee isu-tagga imaaraadka Carabta, Fiidnimadii 14-05-2016.

Munaasibadan oo ay diyaariyeen madaxda iyo waxgaradka Jaaliyadda reer Somaliland ee isu-tagga imaaraadku, horkacayeyna safiirka Somaliland ee Imaaraadka, Amb Baashe Cawil Cumar, waxay shacbiga jaaliyadu xuska 18-MAY ka sakow ku soo dhawaynayeen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane.  Axmed Maxamed Siilaanyo, iyo weftigii uu hogaaminayey ee ku sugnaa dalkaas.

Madaxweynaha Somaliland, oo khudbad dheer ka jeediyey halkaas ayaa hadalkiisa xooga ku saaray heshiiska ay hordhac ahaanta u kala saxeexdeen, shirkada dekedaha ee imaaraadka DP World iyo Somaliland.

Isagoo arrintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi “booqashada aanu halkan ku joogno waxa ubucdeedu tahay, sida aad ka war haysaan, heshiiska maalgashi ee inna dhex maray inaga iyo shirkadaasi.

Heshiiskaasi waxa uu si muq iyo miisaan leh wax uga qabanayaa koboca dhaqaale, ganacsi iyo horumarinta dalka iyo dadka Somaliland. Illaahayna waxan ka baryayaa inuu noqdo heshiis taabbo gala”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka hadlay shuruuda ku xidhan cid kasta oo maalgashi la gelaysa Somaliland, waxaanu yidhi ”cidda maalgashi la gelaysa Somaliland waxa shardi ah inay lahaato awoodda maalgashi, isla markaana buuxinayso xeerarka u yaala Somaliland iyo xeerarka maalgashi ee caalamiga ahba”

Madaxweynuhu waxa uu gudo galay ka hadalka faaiidada dalka iyo dadka Somaliland ugu jirta heshiiska u danbeeyey ee la saxeexay, iyo kuwa la midka ah ee cid kale oo maalgashi lagula heshiiyo laga faa’iidi karo, waxanu yidhi “heshiiska Somaliland iyo Shirkada DP World waa mid taariikhiya, waxaanu noqon doonaa mid aan dheeftiisu ku koobnayn dekeda oo qudha, balse ku fidsanaan doona dadka iyo dalka Somaliland iyo dalalka mandaqada ee bariga Afrika qaarkood. Waxaanu saamayn togan ku yeelanayaa heshiiskaasi dhinacyo badan oo kale”.

isagoo yeelanayaa horumar dhaqaale, ganacsi iyo dib u dhisba oo ah waxa aynu u baahanahay.

Wuxuu ku khatimay madaxweynuhu dardaaranka ah “waxan idin soo jeedinayaa weyneeynta sanad guurada 25aad ee 18 May, ee aynu guddo galnay xuskeeda iyo adkaynta nabadgelyada. Waxanu markale cod dheer kaga dalbaday beesha caalamka, inay Somaliland ku taageeraan aqoonsiga ay mutaysatay, xaqana ay u leedahay”.

Waxa iyaguna munaasibada ka hadlay Jaaliyadana u mahadnaqay gudoomiyaha xisbiga ahna murashaxa xisbiga kulmiye mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Xubnaha kale ee wasiirada ah ee madaxweynaha safarka ku wehelinayey kuwaasoo u mahadnaqay jaaliyadda, xogwaranna ka siiyey xaalada guud ee dalka iyo halgankii loo soo maray 18 May, halka ay jaaliyadana u hadleen Wakiilka Somaliland ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta Amb. Baashe Cawil Cumar iyo xubno kale oo ku hadlay afka Jaaliyadda Somaliland ee Imaaraadka Carabta ku dhaqan, iyagoo hadalkooduna ahaa soo dhawayn iyo mahadnaq madaxweynaha iyo weftigiisa, xuska 18 May, iyo taageerada heshiiska Somaliland iyo Imaaraadka.

 ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

         Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.