Maxkammadda Berbera oo xukun ku riday gaadhi uu leeyahay Agaasimaha Diinta oo khamri lagu qabtay

Berbera-(Berberanews)-Maxkamadda gobolka Saaxil ee degmada Berbera, ayaa Xukunno Xadhig iyo Ganaax lacageed ah ku ridday Gaadhi Booyad ah oo uu leeyahay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland Sheekh Saleebaan Siciid Cali iyo Darawalkii waday, kaasoo lagu qabtay Shixnad Khamri ah oo uu geliyey magaalada Berbera.

Darawalka Waday Gaadhigan uu leeyahay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta, ayaa lagu xukumay Afar Sano oo xadhig ah iyo Ganaax lacageed, halka Gaadhiga Agaasimahana lagu ganaaxay Qiimihiisa 5%-kiiba (Boqolkiiba Shan) oo u dhiganta lacag illaa kun iyo shan Boqol oo Doollarka Maraykanka ah, halka Wadaha Gaadhi Taxsi ahna lagu ganaaxay Lacag Shan Malyan oo Shilinka Somaliland ah, kaasoo lagu eedeeyey gacan-siin.

Haddaba, Xukunkaas iyo sidii uu u dhacay iyo qaabka Khamrigii lagu qabtay Gaadhigaas Agaasimaha Diintu lahaa, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa isagoo Xaakinka Maxkamaddu ku dhawaaqaya, Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-