Madaxweynihii Brazil oo xilka laga xayuubiyay kalsooni darro darteed

Rio de Janeiro (Berberanews):-Mudanayaasha Aqalka Senatka dalka Brazil, ayaa u codeeyay in Madaxweyne Dilma Rousseff xukunka laga qaado, kadib dhageysi socday ilaa habeen hore oo dhan oo toos looga daawanayay Tv-ga Qaranka Brazil. 
Konton iyo shan Senator, ayaa taageeray halka ay labo iyo labaatan ka horjeesteen. Mrs Roussef, oo ah haweeneydii ugu horeeysay oo dalka madaxweyne ka noqota, ayaa dhaqso shaqada looga joojinayaa. Madaxwyene ku xigeenkeeda, Michel Temer, ayaa jagada Madaxweynaha sii hayn doono. Mrs Rousseff, ayaa la filayaa in saacado dhow dalka la hadasho. Waxaa lagu soo oogi doonaa eedo ay si xooggan u diidan tahay oo ah in ay qarisay inta ay la egtahay waxa ka dhiman miisaaniyadda waddanka.brazil

Xil ka qaadisteeda, ayaa astaan ah u ah dhammaadka waqti dheer. Xukun ka bixidda ee 13-ka sano, ayaa malaayiin reer Brazil ah ka saaray faqriga, balse ugu dambeyntii wuxuu wadanka geliyay hoos u dhac dhaqaale oo dheer.