Nuxurka Khudbad Madaxweyne Siilaanyo Ka Jeediyay Daah-furka Diiwaangelinta Codbixinta Gobolka Maroodijeex

Hargeysa  (Berbera news) Asalamu Calaykum Wa raxamtulaahi Wa Barakaatu,,,

8

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Maanta oo ay taariikhdu tahay 28/04/2016, waxa ii farxad ah in aynu si rasmi ah ugu dhawaaqno bilowga Diiwaangalinta Cod-bixiyeyaasha ee Gobolka Maroodi-jeex.

Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaashu waa laf-dhabarta hufnaanta doorasho xor iyo xalaal ah, sidaa darteed, waxa loo baahan-yahay in aynu ku qaabilno waddanimo iyo daacadnimo.

Maadama dadka is-diiwangalinaya yihiin muwaadiniintii dalkan lahaa, waxa saaran masuuliyad, taasoo ah mid dastuuriya loona baahan yahay in uu si masuuliyad iyo qarannimo ku jirto u guto qofku.

Waxa inoo bilaabmay raxmaadkii Illaahay, abaartiina Illaahay wuu innaga jabiyey inteedii badnayd, sidaa darteed, waxaa inagu waajib ah Mahadnaq iyo xamdi Rabbi.

Sidii balanteenu ahayd waxaynu halkii kasii wadaynaa in aynu ka baxno muddadii aynu u hakinay abaarta kululayd. Sidii ay iclaamiyeen Guddida Doorashooyinka Qarankuna waxaa bilaabmaya diiwaangalintii Cod-bixiyeyaasha ee Gobolka Maroodi-jeex oo ah gobolka ugu weyn, uguna muhiimsan, isla markaana ugu dadka badan gobollada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaan marar badan oo hore u sheegay, waxa aniga iga go’an, xukuumadda aan Madaxda u ahayna ku hoggaaminayaa in ay dalka ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah oo ku qabsoonta wakhtigii loo asteeyey ee ah horaanta 2017 Hadii Alle Idmo.

Imika laga bilaabo waxaan iclaamiyey bilaabashada diiwaangalinta codbixiyeyaasha ee Gobolka Mardooji-jeex, Ilaahayna talada iyo tubta wanaagsan ha ina waafajiyo.

Wa Billaahi Tawfiiq.