“Cigaal Iyo Rayaale Qaadiyada Somaliland Meel Adag Ayey Ka Taagnaayeen” Guddoomiyaha Guddida Nabadgalyada Guurtida

Hargeysa (Berbera news)  Guddoomiyaha Guddida Nabadgalyada Golaha Guurtida Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan) ayaa ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay in meeqaamkii ay Somaliland ku lahayd Caalamka ay hoos u dhacday tan iyo markii ay bilaabmeen wada hadalada Somaliya, waxaanu xusay in aanay jirin wax dan ah oo ugu jira, waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay inuu arimahan faraha kala baxo.

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika  ayaa sidoo fariin u diray madax dhaqameedka Somaliland, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya “Intii aanay bilaabmin wada hadalada ay Somaliland la furtay Somaliya, Somaliland meeqaam sare ayey ku lahayd Caalamka, waxa loola dhaqmi jiray sidii Dal la aqoonsan yahay, Shirkii London wixii ka dambeeyeyn wax faa’iido leh oo ka soo kordhaayey wada hadaladaasi ma jirto, waxa marba marka ka sii dambeeysay hoos u dhacaayey meeqaamka Somaliland ay ku lahayd Beesha Caalamka,wax daawo ah oo wada hadalkan iyo shirarkana inoo leeyihiin ma jiraan, ee waxay ahayd in gabi ahaanba la joojiyo”.

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan),  ayaa mar wuu baaq u diraayey Madaxeynaha wuxuu yidhi “Markii ay Somaliland iyo Somaliya is raaceen waxay isku raaceen laba dal, haddana intaas oo maamul goboleed ayaa ka jira Somaliya, cid alaale cid lala hadlaa ama la afgartaa ma jirto, ee Madaxweyne madaama Sannad kuu hadhay waxa aan kugula talin lahaa inaad hawlahan wada hadalka faraha kala baxdid, oo ay Xukuumaddaaduna  faraha ka qaado, maxa yeelay Madaxweynayaashii ka horeeyey ee ALLE ha u naxariiste Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin qadiyada Somaliland meel adag ayey ka taagnaayeen, waxayna taagnaayeen ilaa ay Somaliya soo gaadho heerka aanu marayno wax wada hadal ah lama furayno, shuruud adag ayey ku xidheen, laakiin adigu waad ku deg degtay wax shuruud ah oo aad ku xidhayna ma jirto”.

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan),   ayaa mar uu la hadlaayey Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa yidhi “Madax dhaqameedka iyo Salaadiinta Somaliland waxa aan leeyahay dheg ha u dhigina hadalada ka soo baxaya Maamulka Somaliya, waxaana aad og tihiin in cidii isku dayda inay u hogaansato hadaladaas inay qaran dumis tahay,oo sharci adagna uga yaalo, ee idina yaan la idin marsiin wax qarankeena iyo dawladeena ka hor imanaya”

Dhinaca kale wuxuu Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), tacsi u diray ehelkii, waalidkii, qaraabadii iyo umadda reer Somaliland ee ay ka baxeen Dhalinyaradii ku dhimatay Badda Masar, waxaanu ALLE uga baryey inuu Jannadii ka waraabiyo, waxaanu sheegay inuu ALLE qoro inay wakhtigaas dhimanayaan, halkaasna ku wada dhimanayaan, balse loo baahan yahay in la jiheeyo, oo dhalinyarada shaqo abuur loo sameeyo si ay uga mashquulaan tahriibka iyo wixii la mid ka ah.

Berbera news. Hargeysa