“Dawladda Somalia Kalsoonidii Waanu Kala Noqonay” Cali Khaliif Galaydh

Buuhoodle  (Berbera news) Hoggaamiyaha Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay in kooxda khaatumo ay xidhiidhka u jartay dawladda Somaliya, waxaanu dhinaca kale eedo adag u jeediyay maamulka Puntland.

 

Cali Khaliif oo shirjaraa’id ku qabatay deegaanada Buuhoodle, wuxuu sheegay inuu ka soo horjeedo heshiiska magaalada Garowe ku dhex maray dawladda Somaliya iyo maamulka Puntland, waxaanu beesha caalamka uga digay in wax uu xag jir ugu yeedhay dhulka Khaatumo ka bilaabmi karo,

Isagoo ugu horayn ka hadlaya dawladda Somaliya wuxuu Cali Khaliif yidhi “Dawladda Somaliya bilo ayay nagu qaadatay inaanu u ergayno oo u dan sheegano, waa laga waayay, waanan ogayn. Dawladaas federaalka ah wixii looga baahnaana ma qaban, mana qaban karto, wixii masuulnimo laga filayay waa ka seexdeen oo ka danaysteen. Sidaas awgeed ayaanu hadda ka badin weynay kalsoonidii waa kala noqonay. Waxa annaga hadda noo muuqata waa arrinta nabadgelyada, aagan umadda ku nool;  Garowe, uma talin karto, Hargeysa uma talin karto, xamarna warkeeda, daa.”

Isagoo Cali Khaliif xagjirnimo ugu hanjabaya dawladda Somaliya iyo Beesha caalamka wuxuu yidhi “Haddii sidaas looga tashaday oo Puntland labadaas inan ee ilmaadeerka ahi ay taas ku heshiiyeen, meel ay ku sugi karaan nabadgleyada aagan ma jirto. Nabadgelyadu  kuma eekaanayso aagan, Geeska Afrika oo dhan ayay taabanaysaa, waxa dhici karta oo aanu uga digaynaa cidda ay khusayso nabadggelyada Geeska Afrika mar ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ayaa la hamham layn karaa oo xag jir ayaa yimid dagaal ayaa socda oo oo dhulkaas idinkaa leh ee wax hala qabto, hooy balaayadu daaman la qabto ayay leedahay ee dabo la qabto ma leh.” sidaas ayuu yidhi Cali Khaliif oo sidoo kale si ba’an u weeraray Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Berbera news. Hargeysa