“57 Wasiir Ayay Dawladeenu Leedahay, Wax Loo Baahanyahay Maaha” Eng. Maxamed Xaashi Cilmi

Hargeysa (Berbera news) Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa wax aan loo baahnayn ku tilmaamay 57 wasiir oo ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu soo jeediyay in kharashka la dhimo oo lagu bixiyo meelaha looga baahanyahay.

images
 

Maxamed Xaashi Hadalkan wuxuu ka sheegay madal lagu xusayay sannad guurada 35aad ee ka soo wareegtay aasaaskii SNM oo shalay lagu qabtay Hargeysa, waxaana ka qayb galay wasiiro badan oo ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Eng. Maxamed Xaashi, ayaa sheegay in dhibaato dhaqaale iyo shaqo la’aaneed ay dalka ka jirto, “Waxa dhibaatadu maanta tahay, xaaladda aynu ku jirno ayaan inaga muuqan, dawladeenay ka muuqan oo ay ka seexatay oo aan qabo in xaaladaasi dib loogu noqdo.” ayuu yidhi Eng. Xaashi, isagoo intaas raaciyay “ “Waxa weeye kolkaynu xaaladeena eegno dhibaatada ina haysata iyo xoolaha baaba’ay  iyo shaqo la’aanta meesha ka taagan waxa weeye arrimo inaga nixinaya ayaa socda.  57 wasiir ayay dawladeenu leedahay wax loo baahanyahay maaha, waa inay kharashka dhintaa oo ay kharashka ku bixisaa meelaha looga baahanyahay.” sidaas ayuu yidhi Maxamed Xaashi, oo hadalkiisu ka nixiyay wasiiradii madasha ku sugnaa.

Wasiirka warfaafinta Cismaan Cabdillaahi Saxardiid, oo hadalka Eng. Xaashi ka jawaabay ayaa sheegay in Madaxweynuhu amar ku bixiyay in 25% la dhimo kharashka dawladda, “Wasiirka maaliyadu way fadhidaa, madaxweynuhu wuxuu soo jeediyay Maxamed Xaashiyoow kharhkaadka dawladda abaaraha aawadeed in 25% la dhimo.” ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay in safarada ay madaxweyna, ku xigeenkiisa iyo wasiiradu ku tageen gobalada galbeed ee dalku tahay sidii ay ula qaybsan lahaayeen bulshada dhibaatada abaareed ee haysata, “Qaranka ilaa madaxweyne ilaa madaxweyne xigeen iyo wasiiro ay meel walba marayaan dareenka iyo waxay la  qaybsanayaan dhibaatada ay abaaruhu keeneen hadday tahay Salal, Awdal ilaa bari.”

Berbera news. Hargeysa