Ku dhawaad tobanneeye qof oo ku geeriyooday fatahaadda daadka roobab ka curtay Magalada Dila ee Gobolka Awdal

Awdal-(Berberanews)-Inta la xaqiijiyay 7 qof, ayaa ku geeriyoodey roobab caawa fiidkii ka curtay magaalada Dilla oo ka tirsan Gobolka Awdal.

Khasaarahan nafeed iyo mid adduunyo oo guryo badan oo qaaday, ayaa la sheegay inuu ka dhashay daad ka soo fatahay dhaam-biyood ku yaal dulleedka maaalada, kaasoo ku soo rogmaday magaalada islamarkaana qaaday dad iyo guryoba.

Ma jiraan masuulliyiin ka hadlay khasaaraha dhabta ah ee roobkan oo illaa caawa ka da’aya magaalada Dilla uu geystay, haseyeeshee dad ku sugan magaaladaas oo Berberanews.com xidhiidh la sammaysay, ayaa xaqiijiyay in illaa immika la hayo maydka 7 qof oo rag, dumar iyo carruurba isugu jira, iyagoo intaas ku daray in khasaaraha dhimashadu intaas ka badanyahay.

Dadka ka badbaaday khasaaraha fatahaadda ayaa wararku sheegeen inay geedaha saaranyihiin oo guryahoodii uu daadku qaaday.