“Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye Inqilaab Milatari Baan Ku Riday Ninka Yidhi, Waxaan leeyahay “Godka Lagu Cadaabyoow Muxuu Go’uhu Been Sheegay”

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay inuu faragelin ku hayo Sandalada guud ee Subeer Awal.

“Suldaan Cabdillahi Suldaan Diiriye inqilaab milatari baan ku riday ninka yidhi waxan le yahay; Godka lagu cadaabyoow muxuu go’uhu been sheegay”

Cali Gurey oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Hogaamiye dhaqameed madal koofiyad cas lagu xeeray oo shakhsiyaad nin soo urursaday lagu xeraystay uu yidhi dhaha waxan idhi laguma ridi karo. Caqli xumadiisa Suldaanka Subeer Awal la fududaa? Balse qiyaasa maanta oo aanu Madaxwayne ahayn ninka Koofiyad Cas u adeegsanaya dadka uu codkooda doonayo hadii ay doortaan maxay ka fili karaa.”

Guddoomiye kuxigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Cali Gurey ayaa tibaaxay in Muuse Biixi uu ka cadhooday taageerada uu Suldaanka guud ee Subeer Awal u muujiyey murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, “Ku lahaa, Suldaan Xasan haduu Aniga I taageerana waa Suldaanka Habar Awal haddii uu Jamaal Cali Xsueen raacsanyahayna maaha Suldaan Habar Awal. Ma garba Ummadd yahay garaadka qabtaa? Maya maya, hadaba Subeer Awalow wakaa Muuse” ayuu yidhi Muj Cali Gurey.

Berbera news. Hargeysa