“Cigaal Waanu Tartanay Wuu Iga Adkaaday, Xukuumaddana Waxa Gardarooyin Ah Oo Igaga Yimi Ma Arko, Ma Haddaa Waxa Igaga Soo Socda Aragtaan” Guddoomiyaha Guurtida

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo maanta qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay xarunta Baarlamaanka, ayaa dhinacyada ku loolamaya awooda deegaanada Buuhoodle ugu baaqay in aanay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloodinada deegaanadaasi.

Guddoomiye Saleebaan oo warbaahintu weydiisay in Xukuumaddihii soo maray Somaliland uu ku ahaa murcaadir, balse aanu hadda dhaliilin Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu sheegay inuu si siman ula dhaqmi jiray Xukuumaddahaasi iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Guurtidu waxa uu shacbiga ugu baaqay inay qaataan kaadhka Diiwaangelinta codbixiyayaasha Somaliland.

 

Halkan ka daawo.

Berbera news. Hargeysa