Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax oo istanbul ku Qabtay Bandhig Suugaaneed -kulmiyay Dadka soomaaliyeed ee Dalka Turkiga ku Nool

Istabul-(Berberanews)-Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax oo Aaad Looga Yaqaano Dhulka somaaliyeed, suugaantiisuna Raadayn Balaadhan dhagaha dadka ku yeelatay ayaa habeenkii Xalay ahaa- Ku Qabtay Magaalada Istanbul Ee Dadlka Turkiga Bandhig Suugaaneed kulmisay dhamaan  Dadka afsomaliga ku hadla-

Bandhig Suugaaneedkan oon Noociisu hore aanu uga dhicin Dalka Turkiga waxa uu Abwaan Laabsaalax ku soo Bandhigay Maansooyin Quluubta dadkii xafladaa joogay Habeenkii xalay ahaa saamayn ku yeeshay.

Munaasibadaa oo aad loo soo Agaasimay waxa ka soo Qayb galay inta Magac Soomaliyeed Wadaagta oo laf dhabar ay u ahaayeen ardayda somaliyeed ee wax ka barata dalka turkiga,

Waxaa kale oo meesha aan ka maqnayn Ganacsatada, iyo dad badan oo socdo  ah12508780_1137046306307413_8512719811008678897_n

abwaan xasan dhuxul Laabsaalax islamarkaana ah Gudoomiyaha Xidigaha geeska ayaa munaasibadaa ka jeediyay ka hor intii aanu maansooyinka gudo galin  , hadal dhinacyo Badan leh oo ku soo ururaayay Dhiirigalinta aqoonta waxaanu yidhi kalmado iyo odhaahyo ay aad ugu bogeen ardaydii xafladaasi ka soo qayb galay

waxaanu abwaanku yidhi, Ardayda waxaan Leeyahay- “Halgn baad ku jirtaan aad Naftiina iyo Noloshiinaba ku Xoraynaysaan-,waxaad qoysaskiinii, dalkiinii iyo Dadkiinii Uga soo Baadiyowdeen Waa Inaad AQoon korodhsataan Si Aad Uga Xorowdaan Cudurka Dalalka geeska iyo afrika Inteeda Badan  aafeeyay ee Jahligu sidaa darteed Waa muhim wakhtiga oo cimrigiina weerar ku haya inaad ka faa,iidaysataan-mana jirto Fursad maanta ku soo martay oo ka faa,iidaysigeedu Dib ku soo maraysaa.”

12548954_1137036016308442_7820930793630530089_n

abwaan xasan dhuxul Laabsaalax oo ka hadlaayay Kaalinta ay aqoontu ku leedahay horumarka aadmiga isla markaana dunidan u badashay wuxu yidhi-“Tusaale ahaan 19960 iyo maanta  oo 2016 dunidu isku meel ma taagna Sababta ugu wayn ee arintaasi badashayna waa aqoonta-Hadaba siday aqoontu dunida u badashay qolooyinkiina ardada ah naftiina ha u badaso oo dalkiiNII  kula noqda aragti qof qoys iyo qaran lagu badali karo balse hadaad idinkii Halkan  jaamacado ka Dhameeyay  aad dalkii ku noqotaan  ood garanwaydaan si aad u noolaataan
waa nasiib Daro- Gidaar la istaago iyo maqaaxi laga sheekeeyo iyo dad aqoon lagu celiyaa oo iftiin iyo ilays loo noqdaa laba ha idiin kaala ahaadaan,

Abwaanka oo doorka dadaalku uu ku leeyahay horumarka qofka ka hadlaayay waxa kale oo uu yidhi- ha sugin cadeed kuu kuu dhalatay  inay kaaga wanaagsanaato tii kuu dhacday laakiin yeelo han iyo hami iyo higsi  suuro gal ka dhiga inay kaaga wanaagsanaato.”

21591_1137045286307515_415449322373117591_n

abwaan xasan dhuxul Laabsaalax oo Si wayn suugaantiisa ay U Xiisaynayeen DadkiI xafladaasi ka soo Qayb Galay ayaa soo bandhigay maansooyin dhawra isagoo ku bilaabay kana sheekeeyay siday ku timid maansada La guurso Maxaad ku keentay?  hadaan soo Qaadano tuducyo maansadaa ka mid ah waxa ka Mid Ahaa

 

Ninkii tiisaba kafeeya

Ayaa tu kalana kalkaala

Xilkana korodhsiimo qaada

Kariim ubadkuu ku siiyay

Adoo kibir kaga dhaqaaqay

Adoo kas cad uga huleelay

Hankooda adoo karbaashay

Agtooda adoo ka keefay

Adoo kulankooda diiday

Miyaad qaar kale korriinka

Xilkooda kafaalo qaadday

Middaad kurtinoow aroostay —

Nin kaamila taa ku moodday

Wallee kabeheed ma yeella

Iyaba way kaa war keeni

Kulaylkana way muquuran

 Karbaashkana way la goohi

Kor iyo hoos bay u ooyi

Hadday soo laba kadlaysay

 Barriba way sii karaari

haday islahayd nin keenso

Kurbada way ila dareemi

Dabkiyo naartay kulaashay

 Dhibtaad hanfadow u keento

Kun jeer bay qoomamayni.

 

waxa Kale Oo Abwaanku Halkaa ka Akhriyay Maanso Magaceeda la yidhaa Digniin- oo aad ugu dheeraanaysa kaalinta nolosha ay ku leeyihiin Haweenku iyo Maanso duco ah oo la yidhaa Xamdi Naq-

tuducyo ka mid ah maansada Xamdi Naqi waxay ahaayeeen

Intii Xumahay Ku Foogan

Xiqdiga Laab Iigu haysa

ifiyo  Aakhiro Xagayga-

Xorbaan U Cafiyay naftooda

 Xurmaan u Hibeeyay Toosan-

abwaan Xasan dhuxul Laabsaalax oo su,aalo Farabadan ay dadkii xaflada ka soo qayb galay waydiiyeen ayaa si aftahanimo leh uga jawaabay waxaanu ka sheekeeyay, Siday ku yimaadeen Heeso caana oo uu hal abuuray-

 Daawo SAWIRADII XAFLADAASI

12524073_1137044949640882_1902658730924768840_n 12510425_1137044509640926_1811123487839274693_n 12509442_1137045282974182_3871071766684509367_n 12439064_1137045162974194_3017829925476922925_n 12400848_1137035336308510_972786973028698920_n 12400830_1137046409640736_4617631525914484295_n 12573823_1137045312974179_4550326844244758900_n 12552710_1137045739640803_2086671644558078231_n 12552556_1137036099641767_3375257334600169905_n 12548954_1137036016308442_7820930793630530089_n 12540819_1137045192974191_9046993220778050136_n