“Xukuumaddu  Culayska Ha Ka Qaado Berbera” Guddoomiye Cirro

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland iyo xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta lagu soo dhaweeyay madaarka caalamka ah Cigaal, kadib markii uu ka soo laabtay safar uu Imaaraadka ugu maqnaa.

ciro

Guddoomiyaha oo ay Hargeysa ku soo dhaweeyeen Masuuliyiinta xisbiga WADDANI iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada  ayaa saxaafadda u sheegay in safarkiisu la xidhiidhay arrimo caafimaad iyo fasax uu halkaasi ku tagay.

“Waxaan shacbiga reer Somaliland sidii aan hore uga raali galiyey aan iminkana ka  raali galinayaa arintii yarayd eea golaha ka dhacdey maadaama oo aan odeygii golaha ahay waxaanan idiin sheegayaa uun in hawshaasi ay tahay hawl uu golahu dhameysanaayo  aniga iyo gudoomiye ku xigeenka koowaadna hawshaas anaga ayaa dhameysaneyna gudoomiye ku xigeenkeygana wax dhib ah oo aan u hayaa ma jirto waan saamaxey waxii kale  ee dhimana anaga ayaa dhameysaneyna cid aanu u baahanahay in ay hawashaas soo faro galisaana ma jirto.”  Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro

Halkana ka daawo

Berbera news.Hargeysa