Gudiga la Dagaalanka Musuqmaasuqa Dalka Ethopia oo Gacanta ku dhigay lacago lays daba Mariyay

Ethoipia (berberanews)Gudiga anshaxa iyo ka hortaga musuqmaasuqa ee xukuumada federaalka ah aya ku dhawaaqay in ay badbaadiyeen lacag dhan 654 milyan oo birr oo la doonayey in lagu lunsado qandaraasyo sharic-darro ah.
images
Warbxintan oo uu gudoomiyaha gudigu, Cali Suleyman, la wadaagay colka wararka ayaa lagu sheegay in wax laga qabtay maamul-xum la xidhiidha bootooyin iyo dhul la musuqmaasuqay.
Gudoomiyaha ayaa xusaya in ololle uu uruku qaaday oo la xidhidha dhanka canshuuraha, dhismayaasha iyo arrimaha garsoorka guulo laga soo hooyey.
Waxaa sheegid mudan, in xukuumada EPRDF ay shirkoodii bishii hore ku balan-qaaday in wax weyn laga qabto musuqmaasuqa iyo ku tagrifalka hantida dawlada oo gobolada dalka qaarkood ka noqday wax aan lala gabban.
Meelaha cabashooyinka badan laga dareemo waxaa ka mid ah Ismaamulka Soomaalida oo dadweynuhu aad u aaminsan yihiin in maamul-xumo iyo musuqmaasuq baahsani ragaadiyeen. Eexda, qabyaalada, shaqaalaha oo mushaarkooda la musqmaasuqo iyo hantida mashaariicda loogu talagalay oo ku dhacda gacmaha masuuliyiinta dawlada iyo gancsato xidhiidh la leh ayaa ka mid ah maamul-xumada iyo musuqa aadka loo hadal hayo.
Gudiga anshaxa iyo lidka musuqa ayaa sheegay in warbxino kor u dhaafay 3000 oo la xidhiidha ay gacantooda ku jiraan, halka 434 kiis maxkamad la hordhigay sanadkii la soo dhaafay.
Komishanka ayaa warbxintissa ku soo xidhay in awoodiisa la kobciyey si loogu guuleysto in sharciga la horkeeno dambiilayaasha ku jira hawlaha musuqa.